|

Masuuliyiinta Warfaafinta Oo Xaasidnimo Geliyey Guul Diblomaasiyadeed Oo UU faysal Cali Waraabe Soo Hooyey, Uguna Dhaartay in Warbaahinta Dawladda Laga Sheego

Hargeysa:16-Nov-2013(SDN)Xukuumadda Somaliland ee uu Gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), ayaa la sheegay inay xasarad iyo Xaasidnimo gelisay Horumar Diblomaasiyadeed oo uu Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ka soo Hooyey Dalka Turkiga.

maaraynGuddoomiyaha Iyo Madaxda Xisbiga Ucid Oo Ka Qayb Galay Shir Caalami Ah Oo Ka Dhacay Dalka Turkigay, islamarkaan Halkaas loo soo dhaweeyey Hannaan sare laguna sharfay, ayaa Diidday inay Baahiso Warkaas ku saabsan Shirka Madaxda Xisbiga, iyadoo ka hor istaagtay ugana dhaaratay inuu ka Baxo Idaacadda iyo Telefishanka Dawladda ee ay gacanta ku hayso, sida uu warbaahinta u sheegay Warihii gaarka ahaa ee Madaxweyne Siilaanyo Oo Haatan isagu warkaas Gacantiisa ku soo diray.

Warka Hoggaanka xisbiga Ucid iyo shirarka uu ka qaybgalay, ayaa waxa warbaahinta Xukuumadda u soo diray wariye ka tirsan oo ku sugan magaalada Ankara ee waddankaas Turkiga, waxana wariyahaasi warkaas uu ka soo diray Guddoomiye Faysal iyo Waftiga la socday laga mamnuucay inay baahaan.

Shirarka iyo Kulamda uu Guddoomiye Faysal ku qaatay Dalka Turkiga Dhexdiisa, ayaa   Somaliland U Ahaa Fursad Dahabi Ah, Waxana ay Ahayd Goob Si Weyn Loogu Maamuusay Somaliland Oo Magaceedu Uu La Sinaa Dalalka Kale Ee Aduunka Ee Shirka Ka Qayb Gallay, waana Sababta Keentay in Wariyuhu Go’aansado in warkaasi yahay mid qaddiyada Somaliland iyo Gooni isu taageedaba wax badan ka tari kara.

Shirkaas oo uu Faysal la Yeeshay madax kala duwan oo dalka Turkiga iyo Meelo kaleba ka socota, ayaa ahaa mid Guul Taariikhi ah u soo Hooyey Qaranka Somaliland, Balse Bustaha Xukuumadda lagu qariyey, waxana ilo wareedyo wasaaradda Warfaafinta ku dhawi Hubaal u sheegeen in maareeyaha Telefishanku amar ku Bixiyey inaan warkaas la haahin Karin.

Maareeyaha Telefishanka qaranka oo ah qurbejoog aan wax  badan kala soconin hannaanka Dawladnimo iyo qaddiyadda Somaliland marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay, ayaa si fudud oo dhego nugul u qaata amarrada ka imanay dhinaca madaxtooyada oo Telefishanka laga maamulo, waxana uu Gebi ahaanba kala garan waayey Mucaaridadda Faysal iyo qaranimada Somaliland.

Warbaahinta Dawladda ayaa ah Hanti dadka ka dhexaysa,  waxana ay Guud ahaan axsaabta mucaaridka ahi xaq u leeyihiin inay ka Baahiyaan aragtidooda iyo Barnaamijyadooda, balse Xukuumaddan maanta jirtaa waxa ay aaminsan tahay inay tahay  Hubkii ay mucaaridkeeda ku Burburin lahayd.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed