|

Boqol Qof oo Dawlada Kenya ay kala Noqotay Waraaqihii dal ku Jooga ahaa iyo Dib u eegis lagu samaynayo Aqoonsiyada la Bixiyay 3 sanno ee u danbeeyay

Nairobi 15.Nov 2013 (SDN)- Dowladda Kenya ayaa waraaqaha aqoonsiga kala noqotay in ka badan 100 qof oo ay sheegtay in ay yihiin ajaanib si khalad ah ku helay warqadahaas.

Interior-Cabinet-Secretary-Joseph-ole-LenkuWasiirka arrimaha gudaha Kenya Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in ay dowladdu dib u eegis ku sameysay aqoonsayadii la bixiyay saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Shakhsiyaadka lagala noqday aqoonsiga ayuu wasiirku xusay in lagu tuhunsan yahay in ay si sharci-darro ah ku heleen aqoonsiyada, wuxuuna xaqiijiyay in maxkamad la soo taagi doono.

Joseph Ole Lenku wuxuu u digay shaqaalaha waaxda socdaalka Kenya oo uu sheegay in shaqada laga eryi doono, lana maxkamadeyn doono haddii lagu helo in ay ku musuqmaasuq.

Dadka ay dowladda Kenya kala noqotay aqoonsiyada ayaa u dhashay dalalka Soomaaliya, Uganda, Tanzania, India, Pakistan iyo Sri Lanka.

Dowladda Kenya ayaa weerarkii Westgate ee bishii September kaddib waxay sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonto dad aan u dhalan dalka oo la sheegay inay ay haystaan aqoonsiyada iyo dhalashada Kenya.

Nairobi SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed