Dhaqdhaqaaq Baarlamaanka Kalsoonida Loogu weydiinayo Xukuumadda Saacid Oo Muqdisho Ka Socda
Muqdisho:15-Nov-2013(SDN)-Wararka Hoose ee Ka imanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xildhibaanada Taageersan Madaxweyne Xasan ay wadaan mooshin ka dhan ah Ra’iisal wasaaraha iyo dawladdiisa.
Wararka ayaa sheegaya in xildhibaanadaasi wadaan qorshe ay meesha kaga saarayaan xukuumadda Saacid kalsoonina ugu weydiinayaan Baarlamaanka si madaxweynuhu fursad ugu helo magacaabista ra’iisal wasaare cusub, maadaama haatan khilaaf xooggani jiro.
Ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in mowshinkani ragga loo xil-saaray ay kamid yihiin xildhibaanno hore mowshin uga geeyay xukuumada ee ku guul daraystay kadib markii madaxweyne Xassan Sheekh uu kala fur-furay uuna u sheegay in ay keeni doonaan waqti ku haboon oo loo baahanyahay.
Kadib markii is-qab-qabsiga u dhexeeya madaxweynaha iyo R.wasaaraha uu cirka isku shareeray ayaa waxaa la sheegay in Xassan Sheekh uu ku qaabilay hoyga uu madaxtooyada uga noolyahay odayaashii mowshin keenista ku haboonaa ee hor boodayay qorshihii guul daraystay isaga oo balan qaad wanaagsan u sameeyay hadii ay Saacid meesha ka saaraan.
Abaabulkaan mowshinka ah in uu jiro waxaa xaqiijiyay gudoomiyaha Baarlamaanka oo si toos ah aan carabka ugu dhufan hasa yeeshee ku gaabsaday uun, “Hadii madaxdu is-xalin waayaan baarlamaanka ayey hor imaanayaan”. Taas oo loo fahmay in mooshin wax lagu xallinayo.
Sida la sheegayo waxa mooshinkan Golaha la Horkeeni doonaa ugu horrayn maalinta axadda ah ee foodda inagu soo haysa, ama inta lagu gudo jiro toddobaadka berry sabtida bilaabmi doona.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com