|

Dhakhaatiirtii Reer Borama Oo Hargeysa Laga Sii Daayey Iyo Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax Oo Ka Hawlgalay

Hargeysa:15-Nov-2013(SDN)- Sadexdii dhakhtar ee ka tirsanaa jaamacadda Camuud ee ku xidhnaa xabsiga laanta socdaalka ee Hargaysa, ayaa  Dib Xorriyadoodii u helay galabnimadii shalay.

 

mujaahidSii daynta dhakhaatiirtan oo ay si xoogan ilaa shalay uga hawlgaleen xubno siyaasiyiin iyo masuuliyiin uu ka mid yahay m/xigeenka Somaliland ay ku guul daraysteen in ay xal u helaan, ka dib markii uu ka dhego adaygay Wasiirka Daakhilga Somaliland Warancadde.

Balse gelinkii hore ee  shalay ayaa waxa galay hawsha soo deynta dhakhaatiirtan M/xigeenkii hore ee Somaliland C/raxmaan Aw Cali, Gen,Cumar Sh Muxumed(Cumar-yare) iyo xildhibaano kale, masuuliyiintan oo magac ku leh Somaliland, waxayna kala hadleen, M/weynaha Somaliland ka dibna wuxuu amar ku bixiyay M/weyne Siilaanyo in la sii daayo dhakhaatiirta xidhan si degdeg ah.

Arintana ayaa si xoog leh uga cadhaysiisay dadweynaha ku dhaqan Hargaysa ee siiba waxgaradka ka soo jeeda Gobolada galbeedka Somaliland, waxaanay dhacdadani dhacday maalin ka dib markii xildhibaano u badan reer Awdal ay ku biireen xisbiga Kulmiye ee talada Somaliland haya, taas oo ka cadhaysiisay xisbiga Wadani ee uu ka tirsanaan jiray Wasiirka Daakhilga Somaliland Warancadde.

 

Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ah xubin dalka si aad ah looga ixtiraamo ayaa isagu ugu dambayntii ku guntaday  in raggan la sii daayo oo aan xabsiga loogu sii haynin arrin noocaas oo kale ah.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed