(DHEGEYSO)Dar illaahay kuu nacay Xirsoow Doorkan Maanta ahe
Ottawa Nov 15,2013(SDN)-Abwaan Khadar Keyse Maxamuud oo ka mida Halabuurka Reer Somaliland ayaa taxanihii Suugaaneed ee loo tiray Wasiirka Madaxtooyada ku biiriyay Tix aan filayno in aaney midi ka danbeyn doonin,Akhirso oo ku dhegeyso Dhego Qalbi u duleela.
Ma daliilin waayadan cabdow, deelka maansada’e
Hadba aniga oo diidayay, wax i duqeeyaane
Suugaantu waa dahab markii, daacad loo yahaye
Dun xariira weeyaan kolkii, doobi loo cula’e
Distuur iyo sharcay leedahoo, lagu dabaalaaye
Daldaloolka waa laga jiraa, daacsha xaajada’e
Ninkastoo diciifiba markuu, dawliska u qaatay
Dalxaw iyo waraabiyo marku, dacawga loo loogay
Markuu dulin ku yoomee sidii, diirta lagu yaacay
Diiradlaha kuwii saarijiray, daaye gabaygiiye
Murtidii la daayacay ragbaa, dayr ku soo xidhaye
Dabaylahan haleelay rabaan, inay dahaadhaane
Nabarada dusheeday rabaan, inay daweeyaane
Darwiishkii dhintee Gaariyaa, daajay maansada’e
Daliilkii Barwaaqiyo Mataan, daawo noo hele’e
Digireeto iyo bay unkeen, dawyo loo maro’e
Deelqaafka goob lagu dabaa, doorkan noo furane
Webkay daabaceenbaa khalqigu, daawadaa weliye
Allahayoow dunuubtooda dhaaf, daayinbaad tahaye
Afartaa sidii daad rogmaday, mayska daba keenay
Dambarsame sidiisii murtidu, maydin wada deeqday
Anigoon dantay iyo ku lumin, dookha hadalkayga
Dulucdiyo u jeedada anoon, doc uga leexleexan
Afarkalaan daboolkiyo ka rogi, daaha lagu saydhay
Ruuxii dammiinuu qalbiga, daxal ka fuulaaye
Nin qabiilku duufsaday ma helo, daawo weligiiye
Digaxaadhka waa kaa markale, faantadii daraye
Konton sano wixii layska dile, dayr-cad kala boobay
Dammaankii lagaa dhacay, ayaad doon is leedahaye
Jahligani dibbuu kuu dhigoo, dunida kaa reebye
Durra iyo wixii tegay intaad, daba nashlaynayso
Adduunyada horaa loo durkoo, loo digleeyahaye
Dayaxiyo dagaaraba ragbaa, dayr ku meersadaye
Dusaagaba cilmaa lagu dhigtaa, duura weligiiye
Daboolaa rag ay weli darsaan, doogga uu cuno’e
Laxahay daneeyaan halkii, doogta loo dhabo’e
Daakiraadda diiggaa ciyay, dani ka haysaaye
Horaa loogu digayoo dhaguu, ima daloolaane
Sida daayinkeen sheegayee, diinta lagu dheehay
Inkastuu dabaashuu dhexgalo, daada soconaaya
Doofaar horaa looga ba’o, daahir noqonwaaye
Waa waxaan damiir lagu ogayn, dux iyo iimaane
Degmo reerka wada yaala iyo, daris ilmaadeera
Oo duunyo wada foofsadoo, dar u walaaloobay
Ama duul intay wada dhasheen, seere wada daaqa
Ayaa dawdar loo soo diraa, aan damiir qabine
Nin tolkiiba dayrshaad tahoon, cidi danaynayne
Degelkaad ka timid waan ognoo, waa gob daa’ima’e
Waa reer duriyadiiya oon, dano wadaagnaaye
Dubkaa iigu yaaliyo kuwaa, diirka oogada’e
Dubri iyo ilmaabtaanu noo, waan dugsanayaaye
Dir halkaad ku leedahay ayaan, dood ka furayaaye
Haygu dirin dabaalyahow dadbaan, dunni ka eegtaaye
Afartaa sidii daad rogmaday, mayska daba keenay
Dambarsame sidiisii murtidu, maydin wada deeqday
Anigoon dantay iyo ku lumin, dookha hadalkayga
Dulucdiyo u jeedada anoon, doc uga leexleexan
Afarkalaan daboolkiyo ka rogi, daaha lagu saydhay
Diyaaraadka goortuu Siaad, nagu duqaynaayey
Duullaanka goortaan galiyo, duudda iyo kaynta
Dadka waa la wada laynayee, lama dir-soocayne
Daankastaba ragbaa laga diliyo, diricyo waawayne
Hashii aan dagaalkiyo ugalay, danabyo qiiqaaya
Hashii aan waxbadan doonayee, daalka igu reebtay
Dibjirkiyo waraabaha hashaan, uga ducaynaayey
Dacawgiyo libaaxaba hashaan, yaanay dagin maagay
Dirqi iyo hashii aan ku helay, waayo dabadoodba
Hadba meesha doogale waxaan, ugu dadaalaaba
Dihashada markii ay dhashee, doobi laga maalay
Markay daabad noo curatayee, doobke laga buuxshay
Daaqadaha raggii uga dhecee, duubay idilkoodba
Darbi iyo waxa lagu xidh-xidhay, dalawyo dhaadheere
Dambarkeeda waatuu ka qaday, daajiyii wadaye
Waatay dad gaar ihi mar qudha, doc ula leexdeene
Saddex sano dabaylaha kacee, degelka naafeeyey
Dulcadow dareentiyo ka badan, doogga soo baxa’e
Dubay iyo dahraan iyo wixii, dunidu noo keento
Dahabshiil ayaa lagu rogaa, deeq wixii jira’e
Danyartiyo agoomaha dhammaan, looga dacareeye
Dhalaankii daryeel kama helaan, diifna laga sheegye
Dhalintii sidii deeradii, waa kuwaa didaye
Inta ruux badwayntaa dafyidheen, daawanaa badane
Dumarkiyo caruurtaysa side, ciidda lagu duugay
Hablaa carabtu ay duubayaan, waa waxay dilaye
Haweenkii dahsoonaan jireed dahabka moodaysay
Saxaraha dugaagbaa ku helo, diirka laga siibye
Dirhambaa la siistaa xubnii, Deeqa oo kala’e
Golayaashu dood kama furaan, duubi aan wadane
Farihii duxlaa laga hayaa, inay wax duugaane
Durduraa saxeex lagu marshaa, shay kastoo darane
Calankaa dusheeniyo ka mudhay, dabaqyadeenoo dhan
Deeq iyo kumaynaan hantiyin, diiqo oo kala’e
Dalka waynu wada leenihiyo, khayrka noo dihine
Duhurbaa xalaal lagu qashaa, meel dugsoon badane
Goor uu habeenkii dumoo, dunidu ay jiifto
Haddii aan dangaarihi ku jirin, kama dayaansheene
Duunkiyeelka waxa soo kacshee, madaxda loo doorto
Doc kastaba markii aan ka deyey, wayga degiwayde
Allow Daahir noo keen ayaa, lagu ducaystaaye
Darrowgaa shacbiga aad baddeen, waa daliil sugane
Daftarbaa middaa lagu qoriyo, weliba diiwaane
Dib ayay ka faaloon waxaa, dakharro loo gaystay
Afartaa sidii daad rogmaday, mayska daba keenay
Dambarsame sidiisii murtidu, maydin wada deeqday
Anigoon dantay iyo ku lumin, dookha hadalkayga
Dulucdiyo u jeedada anoon, doc uga leexleexan
Afarkalaan daboolkiyo ka rogi, daaha lagu saydhay
Ninkuu shicibku doortee dhammaan, foodka ugu daadshay
Daacadnimo ninkii aan bidneen, damal hadh moodayney
Dadcunbaa ku laabnaa cabdoow, didiyey geeliiye
Dirxibaa ku hoos jiray wuxuu, dadayey maandhoowe
Dalka oo nimcadu jiifta oo, nabad ku daanshooda
Dusha sare ninkii gooyayee, dirir u xayd-xaytay
Ee Daadsantii (Datsun truck) uu lahaa, saaray dabalaabka
Dabrodiyo caruuraha ninkii, doolarrada siiyey
Dagaalkiyo colaaddana rabee, daayin naga baajay
Darmadiisa waa kaa fidshee, daaradii wadhaye
Hadduunbaabay daartii cadayd, daamur mariyeene
Tabtii Doqonmawaayay indhuhu, doc uga leexdaane
Isagaa dukaan iyo ka dhigay, daasu leeyahaye
Dabinbuu intaa qoollayaa, cidi dareemayne
Weli daabcaddiisii ma dhigin, duhur dharaareede
Dameertaba cabdoow hooyadeed, may dambaabudhine
Waxay dabada uga nuugaysaa, dooyo waa ehele
Dhaqan aan dalkeenuba lahayn, dumar la caayaayo
Dakhligiyo cashuurtii dalkoo, duudka lagu qaato
Danyar iyo agoon lagu tuntoon, cidi u doodaynin
Dadqalkaa wuxuu doona faleen, daa la odhanaynin
Darandoori waa kii u dilee, gooyey dabarkoode
Dakanaha horaa looga galoy, dacar u leefeene
Dar illaahay kuu nacay Xirsoow, doorkan maanta ahe
Dalbo-juuqahaagiyo anoo, dadaya ceebtaada
Sidii dibi xareed soo caboo, dooxa herar jooga
Adigaa dinaahiyo dalkii, daabaca u rogaye
Adigaa dawaaniyo labaxay, oo durbaan tumaye
Kursigaad dangiigtiyo intaa, gaadhka kugu dayran
Dugsi iyo tacliiniyo adoon, darisyo soo qaadan
Adigoon dawaad qalinka darin, daayin abidkaaba
Daca ceelka aadoon dhaafin iyo, dooxa dhiniciisa
Bal maxaa dadaaleed fashee, darajadaa keenay?
Dibnihiisa muu xidhan intuu, sheexo doqonkiiye
Dalqadiisa wixii yaalaybuu, dawga soo dhigaye
“Wuxuu yidha dabiibaan ahay, daaja reeraha’e
Inkastuu darwiish iyo ahaa, geesi diriraaya
Axmed waabu daaloo haddeer wuu da’furayaaye
Sidii uu dubaab cunay ayuu, diidayaa keliye (tsetse fly)
Durba wuxuu ku seexdaa kursiga, daalka uu qabo’e
Indhuhuu dabaayaa sidii, ruux daroog cunaye
Daacinimo ana lay xushoo, doorshay odaygiiye
Anuu ila dardaarmaa markay, dawga ay tahaye
Daymadaan ku koriyaa tabtii, diinka oo kale’e
Dabcigayga way wada ogtahay, dawladdoo idile
Cidkaleba bal daa iyo inay, dood ka celisaaye
Saylici waxaan diid idhaa, doonay muu odhane
Anaa dira anaa doorna bida, doorsha keer kalena
Anaa dila anaa daba anaa, dayrsha kaan rabana
Anaa doorta kii duulayee, dibadda aadaaya
Midkii degi midkii aan dalicin, dookhu waa aniga
Darajada dirayskiyo anaa, duubka bixinteed leh
Ragga damaca waa lagu yiqiin, waana shay darane
Dib waxay ahaataba walee, layma dago maanta”
Afartaa sidii daad rogmaday, mayska daba keenay
Dambarsame sidiisii murtidu, maydin wada deeqday
Anigoon dantay iyo ku lumin, dookha hadalkayga
Dulucdiyo u jeedada anoon, doc uga leexleexan
Afarkalaan daboolkiyo ka rogi, daaha lagu saydhay
Waxba hadalku yuu ila durkine, waan dulmarayaaye
Dulmigiyo xasuuqii dhecee, doorashadu keentay
Dawladaha shisheeyuhu ka dige, dagaladeeniiye
Ninkastoo daneeyaa ka baqay, inu dalxiisaaye
Dublamaasi waa looga ba’ay, duunyo noo hura’e
Dano gaarabuu leeyahoo, diiradaa sudhane
Darafyadu sidiibay yihiin, daafahaa bariye
Dakaniyo colaaday hursheen, waa mid aan damine
Dabkii ay shideenbay markale, dogobyo saareene
Saylac daafaheediyo waxaa, odayo dooyeystay
Doobabkays wareemiyo bal daya, dila waxaa yaala
Darmo beenabaa lagu sabaa, waanay dudayaane
Culimada dawaaftiyo ergaba, looma soo dirine
Daljirkii ma helo daafiduu, Daahir siinjiraye
Dildilaaci waagii dhacee, dhiiga lagu daadshay
Tobanaanka dayrood waxaan, diiday odhanaayey
Turkigaa dawaar lagu marshoo, wuusku darayaaye
Dilaaliyo malaalaa heloo, duunyo dhaafsadaye
Aqoonsiga xirsoow doon layidhi, waaba kaa didaye
Dakhalkii hadduunbuu ka jabay, doonti aan wadaye
Hal daqiiqo oo kale ma hadhin, waanay degaysaaye
Dibudhaca hankeenii ku yimid, waa mid ka u darane
Waa iga dardaarane haddaan, loo damqanahaynin
Ayaxaa dareeriyo haddaan, diirta laga buufin
Duburlaaxa naaxiyo hadduu, dulinku sii joogo
Dalagga iyo beeraha dhamaan, way dudubiyaane
Daluun iyo waxay nagu wadaan, meel kaloo darane
Golahaan ku diirsaday markii, diirka laga fayday
Abaalkay daraad noo galeen, duug ma uu noqone
Dardartii horeetaa shacbigu, sii dugsanayaaye
Dannigayga weli may ka gu’in, daalki lay maraye
Aarkaa markuu roob ku da’o, dacaw la moodaaye
Daandaansibaa lagu hayaa, doorkan maanta’ahe
Inaad garab diyaar ula tihiin, daahir ugu sheega
Dibadbaxa dareenkiin cabiri, oo dulqaad badiya
Digtoonaada oo nabadda yaan, dakhar la gaadhsiinin
Dhammaad
Waad mahadsantiin
Khadar Kayse Maxamuud
Khadar68@hotmail.com
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/khadar.mp3″]