|

Wefti ka Socda Baanka Horumarinta Islaamiga ah oo dalka Yimid lana Kulmay Madaxweyne Axmed Siilaanyo

Hargaysa 14.Nov 2013 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Baanka horumarinta islaamka oo booqasho ku joogay dalka afartii maalmood ee la soo dhaafay.

mmmMadaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaasi ka hadlay ayaa ku bogaadiyay weftiga ka socda baanka horumarinta islaamka booqashadooda Somaliland iyo mashaariic horumarineed oo ay ka wadaan dalka, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul oo kulankaas ka dib saxaafadda la hadlay.

Afhayeenku waxa uu sheegay in weftigani ay sheegeen inay dalka ka wadaan mashaariic ay ku horumarinayaan cisbitaalka guud ee Hargeysa, xarunta agoomaha Caasimadda iyo xarunta agoomaha magalaadda Gabiley.

Mr. Dhuxul waxa intaasi ku daray madaxweynaha iyo weftigani isku waafaqeen in Somaliland iyo baanka horumarinta islaamku sii kordhiyaan wax wada qabsigooda.

Kulankan waxa madaxweyne Axmed Siilaanyo ku wehelinayay Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Arrimaha dibadda, Maaliyadda iyo masuuliyiin kale.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed