Professor Jawaari Oo Ka Hadlay Khilaafka Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaarihiisa
Muqdisho:14-Nov-2013 (SDN) –Iyadoo Guud ahaanba soomaaliya lag Hadal Hayo Khilaafka dhex hoganaya labada Masuul ee dalka ugu sarreeya, ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari uu isaguna markii ugu horraysay ka Hadlay Arrintaas.
Guddoomiye Jawaari, ayaa wuxuu qabaa in khilaafaadka Madaxda dowladda lagu xallin karo oo kaliya gudaha dalka, oo dibedda aan loo waaridi doonin.
Isagoo la hadlaya BBC-da ayuu sheegay in dalka uu hadda leeyahay Dastuur, sidaas darteedna loo baahan yahay in lagu xallin karo wax kasta .
“ Waxaan rabaa in caddeeyo dalku maanta wuxuu leeyahay dastuur , xaalkuna sidii hore ma’aha oo dibadda looga iman jirey in la xalliyo khilaafka masuuliyiinta dowladda.”ayuu yidhi guddoomiyaha baarlamaanka.
Waxa uu Guddoomiye Jawaari ugu baaqay madaxda dowladda Soomaaliya in ay xal ka gaadhaan khilaafka u dhaxeeya, haddii kalana lagu kala bixi doono sida uu sheegay Dastuurka.
Waxaa jirra kulamo xidhiidh ah oo ka socda Muqdisho, waxaana kulamadaas lug weyn ku leh mudanayaasha baarlamaanka kuwaasoo doonaya in uu yimaado isbadal.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com