Roobab Ka Da’ay Deegaanada Bullaxaar iyo Lughaya Oo Khasaare Ballaadhan u Geystay Dadkii Halkaas Degenaa
Bullaxar:14-Nov-2013 (SDN)-Waxa Maalinba Maalinta ka dambaysa sii Kordhaya Khasaaraha ay Roobabkii Dabaylaha iyo Duufanada watay eek a Da’ayey Deegaanada Xeebaha Somaliland u Geysanayaan Nafleyda ku Dhaqan Aaggaas.
Wararkii ugu dambeeyey ee Laga Helayey Deegaanada Bullaxaar iyo Lughaya, ayaa sheegaya in Xoolo aad u tiro badan oo Geel iyo Adhi iskugu jiraa ku Le’deen Roobabkaas qabawga iyo Duufaanada watay oo muddo aad dheer halkaa ka Da’ayey.
Waxay dadka goob joogga ahi qiyaasayaan inay xoolaha boqolkiiba intii badnayd ka baxeen dadka qorrax joogga ahaa ee roobabku ku heeleen deegaannada Qabille, Ceel-sheekh, Biyo-caddo, Shacamble, Fuguxo, Biyo-cas iyo Cabd-igeedi, iyadoo inta u dhexaysa Bullaxaar iyo Lughayana khasaarahaasi ku habsaday.
Cabdi Axmed Yuusuf oo ka tirsan qorrax joogga reer Bulaxaar, isla markaana aad xog ogaal ugu ah xaaladda guud ee deegaanno badan oo isagoo ku sugan Bulaxaar aannu waxka waydiinnay xaaladdu sida ay tahay hadda iyo guud ahaan inta laga ogyahay khasaaraha ayaa ku jawaabay, “Roobabku immika way qaadeen inkastoo cirku daruuro badan leeyahay intii fiidkii. Xagga dhimashada iyo dhaawaca dadka anigu inta aan illaa hadda ka ogahay waxa jira qof ku dhintay Garbadar iyo gabadh kooma jirta isla deegaankaa, qof aad u liita waxa laga soo sheegayaa Cali Xaydh, dhawr aqalla way ka dumeen laakiin xagga deegaanna u dhexeeya Bulaxaar iyo Lughaya khasaarihii ugu ballaadhnaa ee xoolaad geel iyo adhigaba ayay roobabku soo gaadhsiiyeen. Waxa lagu qiyaasayaa in 40% geelii qorrax jooggu uu dhintay, adhiguna uu ka daranyahay. Waxan si gaar ah kuugu sheegi karaa in dad gaadhaya 300 qoys oo qorrax joog aan xeebta ka bixin ee dega inta u dhaxaysa Bulaxaar iyo Lughaha ee sida Ceelsheekh, Shacamble, Fuguxo iyo illaa Biyo-cas deggan oo immika saac yar oo ka jiray Qabille dhawaan soo degay gebi ahaanba adhigoodii waxa qoys walba uga nool waxka yar 20%, geelooduna wuxu aad ugu dhintay dhulka xeebta ah oo ay kaga yimaadeen. Ayuu yidhi Cabdi axmed Yuusuf.
Goob joogahan oo ka sii hadlaya khasaaraha inta uu ka ogyahay ayaa yidhi, “Ceelsheekh oo annu xalay joognay afar guri ayuu roobku dumiyay, geel badanina deegaankeeda wuu ku dhintay. Waxa kale oo war naxdin leh ah in la soo sheegaya qoys deganaa meesha la yidhaaho Idacaddays oo dooxa beer la yidhaahaa dhammaan xoolihi kala tegay oo aan waxba u hadhin”, ayuu yidhi Cabdi Axmed Yuusuf.
S.D.N