Soomaali dalka Finland dacwad ka Gudbisay xildhibaan aflagaadeeyay
Lieksa Nov 14,2013(SDN)-Soomaali ku nool magaalada bariga dalka Finland dhacda ee Lieksa ayaa dacwad ka dhan ah mid ka mida xildhibaanada degmadaas booliiska u gudbiyay ka dib kolkii ay dhibsadeen aflaagaado xildhibaanku la beegsaday.
Eski Saastomoinan ayaa saxaafada dalkaasi baahisay in la maqlay kiyoo xoghayaha degmeda ku leh waa in qolka la buufiyaa si loo dilo cuduro ay dhici kareyso in Soomaalidu qabaan oo faafi karaya.
Hadii kalena waxaanu u baahanahay in qol aan Soomaalidu isticmaalin oo nadiif ah in aanu kulamadayada u rarano.
Guddi Soomaali ah oo ka baaraan degta isku dhafka dhaqamada kala gedisan ayaa qolka shirarka ee Xildhibaanadu ku shiraan isugu yimaada bishiiba mar.
Soomaalida ayaa dacwadooda haatan gudbiyay,sidoo kalena waxa iyaguna dhankooda baaritaaan ka bilaabay Booliska magaalada Lieksa.
Haweeney suxuufiyad ah oo ka hawlgasha warbaahinta Lieksan Lehti isla markaana ah Tafatire Marja Molsa oo iyada oraahda xildhibaan Esko maqashay ayaa aheyd ruuxii u horeeyay ee tebisa dhacdada.
“Hadii aynaan arrintan soo gudbin laheyn cidi kama ay warhesheen“ayay tiri Marja.
“Ma aqbali karno habdhaqankan oo ah mid midabtakoor ah iyo aflagaado ku wejahan qeyb bulshada ka mid ah. Ereyadan ayaa ahaa qaar lala beegsaday dumar iyo caruur“`sidaa waxaa yiri madaxa gudida Soomaalida ah ee ku Shireysay goobta aflagaadadu ka dhacday Maxamed Xirsi.
Duqa magaalada Lieksa Esko Lehto ayaa dhankiisa amaanay guddida Soomaalida oo sheegyna in wada shaqeyn wanaagsani ka dhexeyso.
Duqa magaaladu waxa uu sheegay in guddida uu magaacabay isagu ka dib xeer dalkaas laga hirgeliyay 1999kii oo lagu doonayay sidii soogelootigu ugu milmi lahaayeen dhaqanka Finland.
“Waxaan amaan aheyn uma hayo guddida run ahaantiina kulamadayadu waxa ay ahaayeen mar walba qaar heer sare aàyuu yiri Duqu mar uu ka hadlayay Guddida Soomaalida.
Esko oo dalka dibada uga maqan ayaan ilaa hada wax jawaab ah ka bixin fal celinta laga sameeyay aflagaadada uu geystay.
Sidoo kale waxa haatan Esko Saastomoinan laga qaaday xilkii madaxa ergada xisbiga balse weli ku xigeenka guddoomiyaha guddida gollaha degaanka ee xisbiga Finn Party ee degmada Lieksa.
SDN-Lieksa
contact@somalidiasporanews.com