Wefti Ganacsato Warshadlay ah oo Booqasho ku Yimid Somaliland iyo Wasiirka Warshadaha oo ka hadlay
Hargaysa 13.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada warshadaha j s l Md Abiib Diiriye Nuur oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi ayaa maanta gegeda diyaaradaha Egal international Airport ee Magaalada Hargaysa kusoo dhaweeyay wafti ganacsato warshadlay ah oo ka socota dalka Shiinaha
Waftigan ganacsatada shiinaha ah oo mashaariic ganacsi ka samayn doona dalka ayaa wasiirka wasaarada warshadaha j s l Mudane Abiib Diiriye Nuur uu qaabilaada ka dib balan qaaday cid kasta oo ka qeyb galaysa horumarinta dalka in ay soo dhawaynayaan isalmarkaa uu uga mahad naqay waftiga ganacsatada shiinaha ah ee dalka soo gaadhay socdaalkooda
Waftigan ganacsatada shiinaha ah ayaa sheegay in ay dalka ka hirgalin doonaan ilaa labaatan wasrshadood oo ay ka mid yihiin warshad samayn doonta gawaadhida , qalabaka elektaroonikada ,baaskiiladaha , iyo kuwo samayn doona sharaabka caruurtu ay cabto.
Waftigan oo dalka joogi doona mudo laba todobaad ah ayaa inta ay joogaan waxay la kulmi doonaan madaxweynaha j s l Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo qaar ka mid masuuliyiinta sar sare ee xukuumada iyagoo geesta kale booqashooyin ku tagi doona gobolada dalka iyo goobaha ku haboon in la dhiso warshadaha ay doonayaan in ay dalka ka sameeyaan
Hargaysa SDN
Qurbejoog.com