|

Dagaalkii dhex Yaallay Xasan Sheekh Iyo Saacid Oo Isu Rogay Dhinaca Baarlamaanka Iyo Dhaqdhaqaaqyadii Ugu Dambeeyey

Muqdisho:13-Nov-2013(SDN)-iyadoo uu dhawaan xadhkaha goostay khilaaf Huursanaa oo dhex miranayey madaxweyne Xasan iyo Ra’iisal wasaare Saacid, ayaa waxa Haatan Golaha ka dhex bilaabmay olole xooggan oo labada masuul ku kala jiidanayaan.

saddexdaKala jiidashada Xildhibaanada Baarlamaanka oo dhaqan  xun ka noqotay muqdisho tan iyo ka dambaysay Burburkii Soomaaliya, ayaa ay xildhibaanadu u arkaan fursad ay ku heli lacag iyo dhaqaale badan oo ka baxsan Mushaharkooda.

Maadaama uu Baarlamaanku yahay Hay’adda ugu sarraysa dhinaca awoodda ee Dawladda Federalka soomaaliya, ayaa marka la isku dhaco waxa iska caado Noqotay in loo jeesto dhanka Xildhibaanada oo awooddoodda lagu tartamo, maadaama cidda ay raacaan ay  guusha la carrawdo.

 

Sida ku cad Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska R.wasaaraha, muranka labada masuul ka dhexeeyay waa mid dastuuri ah xalkiisuna uu yahay oo kali ah in dastuurka loo hogaansamo halkaasi oo laga dheehan karo in uu doonaayo in shaqadiisa uu sii wato ilaa kalsoonida uu ka weynaayo.

 

Sidaas oo ay tahay xildhibaanada Soomaaliyeed oo ka caban jiray in ay ku dhibanyihiin gelitaanka madaxtooyada ayaa waxa ay markan ka dhigteen halka ay ka duulaan, waxaadna ku arkeysaa iyaga oo raxan raxan u fadhiya xafiisyada madaxweynaha iyo R.wasaaraha halkaasi oo lagu kala qaadanayo qandaraasyada ku saleysan daneysiga ee saddex geesoodka ah.

 

Madaxweynaha oo lagu sheego in uu yahay nin gacan adag ayaa markan waxa uu ku qasbanaaday si uu isaga wareejiyo R.wasaaraha in uu Baarlamaanka  badankiisa uu qarash ku qarqiyo halka Saacid isna uu doonaayo in uu mudanayaasha ka dhigto difaac adag oo ka xigsada awooda la doonaayo in loo adeegsado.

 

Sida horay u dhici jirtayba, xildhibaanada oo doonaya in ay ka faa’iideestaan fursada jirta ayaa waxa ay u dhexeeyaan labada dhinac iyaga oo dhinac waliba la gor-gortamaya si ay u helaan qeyb kamid ah lacagtii ay ksuoo iibsadeen kursiga ay ku fadhiyaan oo ku fadhiya qarash badan.

 

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed