Gollaha degaanka lieksa Finland oo dalbaday in kulamadooda ay ku qabsadaan goob Soomaalida ka caagan
Lieksa Nov 13 2013(SDN)-Qaar ka mida xildhibaanada gollaha degaanka ee magaalada Lieksa ee dalka Findland ayaa sheegay in ay doonayaan in ay kulamada gollahooda degaanka ay ku qabsadaan hall Soomaalida ka caagan.
Xisbiga Finns Party ayaa xildhibaanadooda gollaha degaanla ee magaalada Lieksa ayaa dalbaday goob cusub oo ay ku kulmaan oo aan aheyn mid haatan ay bishiiba mar ku kulmaan guddi Soomaali ah.
Esko Saastomoin oo ah madaxa xisbiga Finns Party ee gollaha degaanka Lieksa ayaa dalbada “qol kulan oo nadiif ah“ sababta oo ah ka iminka ay ku kulmaan waa mid guddi Soomaali ahi ay bishiiba mar ku kulanto.
Xoghayaha gollaha degaanka ee Lieksa Matti Taponen ayaa saxaafada Finland arinkan u xaqiijiyay isaga oo yiri qolka la hadal hayo waxa ku kulma kooxo kala duwan.
Todobaadkii ina dhaafayna guddida magaalada ee Caafimaadka iyo Arrimaha Bulshada ayaa Soomaalida u ogolaaday in ay bedelkooda qolka shirarka isticmaalaan
Maalinimadii shalayna waxa arinkaa sida ay u diidan yihiin sheegay xisbiga Finns Party Group.
“Saastomoinen ayaa arinka gollaha degaanka hor keenay shalay waxaana goobjoog ahaa ilaa labaatan xildhibaan“sidaa waxa yiri Toponen.
Guddomiyaha xisbiga Finn Party ee degaanka North Karelia Eero Bogdanoff ayaa saxaafada u sheegay in Saastomoinen aanu ka fikirin hadaladiisa intaanu oran.
Saastomoinen ayaa sidoo kale ah guddoomiye ku xegeenka Finns Party ee degaanka North Karelia.
SDN-Lieksa
contact@somalidiasporanews.com