14 Jir Baalashle ah Naftiisana Horumariyay Iskuna badalay Hantiile W/Q Khadar Nuux Yoonis
Sunaha noloshu waa mid u jidaysan in aadama kastaaba uu gooosto waxii uu beerto taasi oo ka dhigan maahmaahdii ahayd haddii aanad beeran ma goosati , guushuna waa mid noole kastaaba yar iyo weynuu u hanweynahay in uu gaadho balse waxa kala duwan uun dariiqooyinka loo maro oo qaarkood baal marsan yihiin guusha .
Haddii aad in badan aragtay dhagayste baalashe ka mid ah dadka ugu nolosha hooseeya bulshada kaasi oo magaca baalashe aan la dhaafin laysna weydiin in la ogaado, taasi oo keentay meeqamka ay iyagu is dhigeen iyo shaqada ay hayan oo dad badani ka aminsan yihiin mid aan fiicanayn.
hadaba ma is odhan kartaa waxa jira baalashle ayaal ka karti, magaca iyo maamuusba ka badna dad badna oo bulshadu haldoor u taqaano.
Badri Axmed Qaalib oo loo yaqaano (Amblunce) waa 14 jir ku nool magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal waxa uu 6 sanno ee ugu dambeeyey ka shaqayn nayey baalashaynta kabaha taasi oo sida uu ii sheegay la soo martay maxaladao ,waxa uu ii sheegay Badri In Marka Uu Bilaabayay Shaqadan baalashnimada Dad badan uu Kala Kulmay Hadidaad taasi oo Laguna Aflagaaday jiray,
Isagoo kale waxa uu ii sheegay Badri Markii Uu Shaqada ka Bilaabayay Jaamacada Camuud Ee Gobolka Awdal Xaruntisa Boorama Laga reebi Jiray buska Jaamacada Maadama aan La Ogolayn Qof aan Arday ka Ahyn Jaamacada isla markaana aan sidan ID Card .
Waxa Kale oo uu Ii sheegay Inuu Marka uu buska Fuulayo Daasadiisa Kor U Taagi Jiray Si Loo Garto.
Bardi oo hada ka caan deegaanka uu ku noolyahay Ee Gobolka Awadal Magaalo madaxdiisa Boorama ka dib markii uu ku dhaqaqay talaabooyin uu horumar kaga gaadhay noloshiisa ayaa waxa xusid mudan in muddo kooban oo uu waraysigu noo socday ay hadba naga dhex galayeen dad iyagu badri salaamayey waxaanan ka xusuustaa hadaladoodii waakan ninkii odayga ahaa iyo Mr Ambulance iska waran iyo wax la hal maala isagoo si Faraxad ku dheehantahay Uga qaadayay Salaanta. Badri Aya ii sheegay Inuu Dad badan oo Ku Noola magaalada Boorama Asxaab wansagan la Yahay.
Badri oo mudadaasi ka dib hada dib u bilaabay wax barashadiisa ayaa waxa uu dhawaan lacag uu ka ururiyey shaqada baalasha uu ka iibsaday gadhiga isaga oo iiga waramay sababaha ku Kalifay Kuna sababeeyay markii Uu maalin maalmaha Ka Mid ah Safar Ku Tagay Caasimada Hargisa Kadibana Qiyaasaday Busaska u Kala Goosha Magaalooyinka Boorma Iyo Hargeisa inta dhaqaale Ka soo gasha Isla markaana Ku hamiyay Inuu Iibsado Baabuur .
Fahamka ay bulashadu badankeedu ka qabto baalashaynta kabaha ayaa ah mid hoosaysa sida uu Bardi ka waramay mar aan weydiiyey waxyaabihii ugu adkaa ee ka soo maray shaqadan kuwaasi oo kaga imanaayey dhanka bulshada uu la nool yahay , Waxanu Badri Ii sheegay Inuu hadidaad Kala Kulmi Jiray Isla markaana Laga Reebi Jiray Buska Jaamacada oo Uu Markaa Baalashle ka ahaa Isla markaan Mudo badna Uu Baqan Jiray kabaha uu Baalasheeyana Cidii Siisan uu Ka qaadan Jiray Kuwa Kalena Iska dayn jiray.
Badri mar aan weydiiyey aragtidiisa ku waajahan siyaaba oo filaayo in qof badni adam ahi u guulaysan karo aya si xarago leh waxa uu iigu jawaabay , “Qof Kast oo Hami Iyo Himilo Leh Waa Guulaysanayaa waxanay ku xidhantahay Dadaalka Qofku Uu Sameeyo”
Muuqalka Badri wa mid aan ka duwanayn dadka caadiga ah sida ardayda iyo kuwa shaqooyinka fiican gacanta ku haya, waxaanu xilligan aan la kulmay xidhnaa Surwaal Jeans ah garan cas oo gacmo gab ah iyo muraayad nooca xaragada ah oo indhaha ku sitay iyo waliba kabao buudh madaw ah .
Badri oo sheegay in uu rajaynaayao in uu helo shaqooyin tan kasii manfac badan kuna hamiyaaya meelo heerkan uu gadhay ka fog ayaa Ugu dambayntii Badri ayaa talo wax ku ool ah u soo jeediyey dhallinyarada faciisa ah gaar ahaan kuwa ay shaqada wadaagaan waxanu Ku Booriyay Inay Horumarka iyo Hiigsiga Noloshu Ku Xidhan yihiin Hadba Dadaalka aad samayso
Khadar Nuux Yoonis