|

,”Waxaan ka dalbanayaa dhinacyada ku dagaalamaya Shabeelada Dhexe inay Xabada Joojiyaan” Wasiirka Amniga ee Somalia

Muqdisho 11.Nov 2013 (SDN)- Wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa baaq xabbad joojin ah u dirtay beelaha ku dagaallamaya gobolka Shabeellaha Dhexe.

Cabdikariin-Xuseen-GuuleedWariiska wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa ugu baaqay beelaha isku haya gobolka Shabeellaha Dhexe in ay si deg deg ah ku qaataan baaqyada nabadeed ee ku aaddan in ay colaadda joojiyaan,”Waxaan ka dalbanayaa dhinacyada ku dagaalamaya Shabeelada Dhexe inay Xabada Joojiyaan,una Tudhaan dadka Maxasta ah ilaahayna ka Cabsoodaan” Wasiirku Waxa uu intaas ku daray in dawladu ay ku foogan tahay soo afjarida dirirtan.

Waxaanu  ugu baaqay odayaasha iyo waxgaradka in ay u guntadaan sidii loo joojin lahaa colaadda u dhaxeysa.

Wasiirka ayaa xusay in dhowaan Muqdisho lagu qaban doono shir-weyne looga hadlayo arrinta, kaas oo wajigiisa labaadna la qorsheynayo in uu ka dhaco gobolka Shabeellaha Dhexe.

Waxa uu magacaabay guddi isku dhaf ah oo ka kooban xubno ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga qaranka, xildhibaannada ka soo jeeda gobolka iyo maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe, isaga oo sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in ay guul ka gaaraan dedaallada nabadeed ee ay wadaan.

Hadalkan ayuu wasiirku ka sheegay kulan shalay wasaaraddu Muqdisho ay kula qaadatay xubnaha baarlamanka ee ka soo jeedo gobolka Shabeellaha Dhexe iyo maamulka gobolkaasi.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed