Wasiirka Dibu dejinta oo ka Waramay Khasaaraha ka dhashay dabkii Qabsaday Xaafada isku raranta ah ee State House (DHAGAYSO)
Hargaysa 11.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka wasaarada Dibudajinta Somaliland Ahmad Cadbi Kaahin oo kawarbixiyay guryihii shalay ku gubtay State House ka ee magaalada hargaysa , waxaana uu sheegay wasiirku inuu hal qof ku dhintay Sagaal kalana ay ku dhaacwacmeen guryo badanina ay ku shuf beeleen .
waxa kale oo uu wasiirku sheegay inay maanta u direen Hay’adaha ku shaqadale si ay uga cawiyaan dhibaatadii soo gaadhay dadkii guryahalahaa iyo kuwii ku dhaacwamay, waxaana uu yidhi isaga oo ka hadlaaya sidan “waxaa gubtay buulal yaryartii state house ka waxaana ku dhintay hal qof waxaana ku dhaacwacmay sagaal qof ,gurmad bay ubaahan yihiin in loo sameyo UNHCR ta waxaan u way dinay bacooyin ,weel , cunto iyo wixii kale ,Hay’adihii oo dhanna saka waanu isku gu yeedhnay ,waxaananu kadalbanay inay caawiyaan dadkaa ay ku dimid maqaadiirtu ,sidii meel loogu yabyabilahaa , dajintooda wayna dawlada hodan waydiinaynaa halkii ladajinaayo, ayuu yidhi wasiirku”
waxana uu si doo kale wasiirkusheegay inay maanta dadkaa si ubaahan yihiin in lacaawiyo oo gargar bini aadanimo loo fidiyo waxaana uuyidhi sidan“hasa ahaatee waxay maanta ubaahanyhiin gurmad inay helaan guryo ay galaan , waxaanan hay’ada UNHCR kadalbanaa in dadkaa lagu caawiyo bacooyin iyo wixii kale ee ay u heli karan ,inaasaanu maanta samaynaynaa hadii lahelo rashina waan u gaynaynaa .”
“Hay’ad duhu way hayaan bakhaaradooday uyaalaan , laakiin anagu gacanta kuma hayno markaa markaad hayadii u sheegto ee aad tidhaahdo halkaa mu shkilad baa ka jirta , waxay ubaahan yihiin inay goobtii tasgaan oo ay eegaan, markay qiimeeyaan bay wixii keenaan ”
Waxaa kale oo uu wasiirku sheegay inaan wax kaalma ah aan hore loo gaadhsiin balse hada lagu guda jiro sidii loo gaadh siin laha dadkaa dhibtu haleeshay eek h asaruhu ka soo gaadhay dabka. waxaana uu yidhi sidan Ahmad Cadbi Kaahin.
Guji halkan oo Mobilkaaga Ka Dhagayso Hadalka Wasiirka Dibu dejinta
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/StateHouse11.mp3″]
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com