Go’aankii mamnuucidda Qaadka ee UK oo horraanta sanadka inugu so fole dhaqangelaya iyo ganacsadata Qaadka Kenya oo qareenno u dooda qabsaday
London 11 November 2013(HOL)—Sida aan kasoo xigannay wasaarada arimaha gudaha ee UK waxay Dowlada Ingiriisku ku dhaqaaqday wejiga labaad ee joojinta qaadka ee wadan UK.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha Britain haweeneyda lagu magacaaboTheresa May ayaa qoraal u dirtay baarlamaanka kana codsatay in la dhaqangeliyo joojinta ama mamnuucista qaadka. Sida aan kasoo xigannay Simon Roseoo ah sarkaal ka tirsan ciidammada booliska oo loo xil saaray in ay la shaqeeyaan bulshaweynta soomaaliyeed, waxaa go’ aankan lagu wadaa inuu dhaqangalo bisha Janaayo ee sanadka soo socda ee 2014ka
Dhanka kalena, ganacsatada qaadka ee Kenya ayaa 10 Milyan oo lacagta Kenya ah waxay ku kireysteen qareenno metela oo u dooda si aan loo joojin qaadka. Dhanka kalena waxaa UK booqan doona guddi ka tirsan Baarlamaanka Kenya oo qaabilsan dhulka iyo beeraha, kaasi oo la kulmi doono xubno ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka Ingiriiska.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha Theresa May, ayaa horraantii sanadkan ku dhawaaqday inay dalkeeda ka mamnuucdayso qaadka ay isticmaallaan jaaliyaddaha ay Soomaalidu ka mid tahay ee deggan dalkaasi.
Qaadka ayaa noqonaya qeybta C ee noocyada mukhaadaraadka mamnuuca ka ah Britain, waxaana qofkii lagu helo uu muteysan doonaa ciqaaab adag. Theresa May ayaa sheegtay in go’aanka mamnuucista loo qaatay si loo ilaaliyo “xubnaha taagta daran ee ka midka ah jaaliyadaha ku nool Birtain”.
Gunaanadkii inshala’a anakuna halkasan ku soo gunaanadi doona olalihii joojinta Qaadka marka uu si rasmi ah u dhaqan galo joojinta Qaadka ee UK horaanta sanadkan. Tani waxay noqondoonta guushi labaad uu ku guulaystay ururka Ladagalaanka Qaadka iyago si joogta ah u wada shaqeeye walalhooda Somaliyeed ee Holland.
Farise faanoole kama qodno, oo meeshii uu Qaadku dilood ee dalkii ayaa wali dhiman. Taana kolba ilaahay rag buu inaga dhigay ee sidii marka ay tani dhamaato loogu diyaar garoobi laha mustaqbalka fog ayaanu kolay kawada hadli iyo sidii ay dawladu UK olaleheeda nooga gacansiin lahaydba.
Waxan ka soo yeedhaya Dawlada Kenya ee u olaylanta Qaadka UK, sidaan hore idinku sheegayba horaanu uga tabaabushoonay. Waliba waxan dhawaan, kala hadlay arrinta MP ama Xildhibaanka Parlamanka UK ee magalada Milton keynes Mr. Laercaster ninkaaso ah ninka arrintaba gaadhsiiyay Wasiirka Daakhliga Mrs. Teresa.
Waxa kale oo aan sidoo kale kala shiray, gabadha kale iyaduna u sharaxan xisbigan shaqalaha ee aan ka tirsanahay waa Mrs. Emily, waxay labaduba ii sheegeen inay gaadhsiin doonan arrimaha la sheegay kuwaaso aan u aragno inaanay go’ankii waxba ka bedelayn, Wasirka Arrimaha Gudaha iyo dadka xisbiyada ee ugu jira aqalka wakiilada ee UK.
Inta kadib waxan idin ku soobootinaya idinkoo iidaya, heestii Mohamed Ahmed Kuluc ee ahayd “ waaga beryay bilicsan arooryo baxsan maalin boqran”.
Qalinkii:Adan Jama Kahin
G/Xigeenka ee Ladagaalanka Qaadka , Uk
Isla markaana ah Xildhibaan Deeganka CampbellPark ,Milton keynes, UK.