Waxgaradka Beesha Waqoogiyo Iyo Galbeedka Hargeysa Oo Si Kulul uga Hadlay Falkii Lagula Kacay Muj. Maxamed Kaahin.
Hargeysa:11-Nov-2013(SDN)-Salaadiinta,Madax-dhaqameedka, Odayaasha, Wax-garadka Beelaha Waqooyiga Iyo Galbeedka Hargeysa, ayaa shir Jaraa’id oo ay shalay ku qabteenMagaalada Hargeysa, ayaa si adag uga Hadlay isku Daygii Dil ee uu Mujaahid Maxamed Kaahin ka Badbaaday, waxana ay carrabka ku Adeeyeen inay Beel ahaan Falkaas si aad ah uga Xun yihiin.
Suldaanka Guud ee Beelaha Waqooyiga Iyo Galbeedka Hargeysa Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi oo ugu horrayn halkaas ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida ay Beel ahaan, qoys ahaan iyo qaran ahaanba uga soo Horjeedaan falkaas lala Beegsaday Mujaahidka Naftiisa iyo Dhiiggiisaba u huray Qaranimada Somaliland, waxana uu Beesha uu ka soo jeeddo Mujaahid maxamed hawada u mariyey dhambaal uu ku sheegayo inay Beel ahaan ka xun yihiin dhacdadaas foosha xun, isla-markaana ay tallaabada ku Habboon ka qaadi doonaan cidda ka dambaysay dhacdadaas.
Suldaanka oo Arrimahaas ka Hadlaya ayaa Hadalkiisa ku Bilaabay sidan, “saaka waxa na soo kiciyey Qaddiyadii shalay caasimadda Hargeysa ka dhacday ee lagula kacay Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed, oo aanu Abti u nahay, ahaana mujaahidiintii waaweyneyd ee Dalkan u soo Halgamay ee Bir-mageydada ahaa, arrinkaasaanu Qabiil ahaan iyo reer ahaanba Halkan u fadhinaa inaanu walaalahayo, qaranka Somaliland iyo qabiilka uu mujaahidku ka dhashayba tusno inaanu aad uga xunnahay.”
Suldaanka ayaa sheegay in falkani yahay mid Ugub ah oo aan hore loo arag, waxana uu yidhi, “ falkaasi waa xaajo ugub ah oo aan hore inoo soo marin, wax aanu filaynayna ma ah oo qudhgooyo ayey nagu noqotay, qabiil ahaan baanu ka Xunnahay, qoys ahaan baanu ka xunnahay falkaas mujaahidka lagula kacay”.
Suldaanka ayaa isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “maadaama oo aanu halkan ku fadhino waxgaradkii iyo dhaqankii, waxanu walaalahyo u sheegaynaa iyo Guud ahaanba qoyskii mujaahidku ka dhashay inaanu arrintaas u tafo-xaydanayno oo aanu Gacan Bir ah ku soo qabanayno wixii falkaas geystay annagoo la kaashanayna Dawladdayada iyo ciidamada ammaanka, xilkaasina annaga ayuu na saaran yahay.”
Waxa uu Suldaanka Guud ee Beesha Subeer Awal Farriin u diray Beesha uu ka soo jeedo mujaahid Maxamed Kaahin, waxana uu yidhi, “ waxanu doonaynaa inay walaaladayo ay ku biyo-cabbaan inaanu arrintaas oo aad uga tiiraanyeysanahay.”
Mujaahidka dhibbanaha ah ayuu sidoo kale Suldaanku farriin kale u guntay, waxana uu yidhi, “ Maxamed Kaahin waxa aanu Leenahay, Abti waanu ka Xunnahay, Dadkii qarankan u soo dhintay ayaad tahay, Bir-mageydo ayaad tahay, in waxaas oo kale xaggayaga kaaga yimaaddaan waanu ka xunnahay, tallaabada dhaqan iyo maamulna waanu ka maraynaa, umadda kale ee reer Somaliland-na waa Kow ee Laba Ma Aha.”
Suldaanka ayaa falkan ku tilmaamay mid ammaanka lagu wiiqayo iyo fawdo lagu abuurayo, “falkani waxa uu ahaa mid lagu wiiqayo Nabadgelyada qarankan, waayo marka kiisii ugu horeeyey ee Karaamada lahaa sidaas loo toogto waxa loogu talo galay in wixii aynu Noolaynay ee Nabadgelyada ahaa ay meesha ka baxdo, waxan leeyahay tani dhacday tallaabana waa laga qaadi doonaa Qaran ahaan iyo Qoys ahaanba ee halaga diktoonaado.” Ayuu yidhi Suldaan Xasan, waxana uu intaas ku daray inay wakhti badan ku lumiyeen sidii loo soo qaban lahaa dadkii ka dambeeyey dhacdadaas, “ ilaa shalay waxa aanu ku mashquulsanayn baadi goobkii Dadkii weerarka Geystay Meel fiicanna wax way noo marayaan, qaarna waa la qabtay, arrinkaasna ilaaha hanagu xil tiro qarankana haku xil tiro.”
Madax-dhaqameedka, waxgaradka iyo Hormoodka kale ee Beesha Galbeedka iyo Waqooyiga Hargeysa oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa si kulul u dhaleeceeyey falkaas lagula kacay Mujaahid maxamed kaahin, waxana ay tilmaameen inay Dedaal ugu jiraan sidii dadkaas sharciga loo Horgeyn lahaa.
S.D.N