“Saleebaanow, waxad Tahay Mus-dambeedkii la iskula Tegayey, kaamana aanu Filayn Inaad Lexejeclo gaar ah Muujiso oo aad……” Jamaal Cali Xuseen.
Hargeysa:11-Nov-2013(Hubaal) -Musharaxa Madaxweyne-nimo ee Xisbiga Ucid Aqoonyahayn Jamaal Cali Xuseen ayaa dhaliilay Hannaankii uu Guddoomiye Saleebaan Dhawaan uga fal celiyey Shirka Talo qaran ee ay axsaabta qaranku ku baaqeen.
Jamaal Cali Xuseen Oo Maalintii shalay la Hadlayey qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland, ayaa sheegay inuu ka xun yahay Hannaanka uu Saleebaan oo Guddoomiyihii Guurtida ahi uga jawaabay dhawaaqa mucaaridka, “Saleebaanow waxad tahay marjacii iyo Mus-dambeedkii ugu dambeeyey ee la isula tegayey Somaliland lagaamana filaynin adigoo aan Axsaabtii qaranka u yeedhin oo aan weydiinin waxa ay tahay Dooddan Qaran ee ay ka hadlayaan intaad TV-ga soo istaagtid inaad lexejeclo gaar ah muujisid,” ayuu yidhi Jamaal cali Xuseen.
Sidoo kale waxa uu Jamaal ka codsaday Guddoomiye Saleebaan inaanu ka Baydhin Tubta Odaynimada ee looga Baahan yahay qof mansabkiisa oo kale fadhiya, waxana uu yidhi, “ arrin Guurti iyo mid aanu kaa aqbalayno midna ma ahe waa inaad arrintaas ka noqota oo aad xisbiyada qaranka u yeedhid oo Hannaan Odaytinimo u shaqaysid.”
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ayaa dhawaan sheegay inaan cid aan madaxweynaha ahayni ku dhawaaqi Karin wax shir qaran ah, waxana uu dhaliilay Hannaanka ay axsaabta qaranku wax u wadaan iyo shirarka qaran ee ay weelka u cusheen.
S.D.N