|

Ucid Iyo Waddani Oo Bulshada u Faahfaahiyey Qoddobada Lagaga Hadli Doono Shirka Qaran Ee ay Ku Baaqeen

Hargeysa:11-Nov-2013(SDN)-Guddida isku dhafka ah ee Labada Xisbi-mucaarid ee Waddani iyo Ucid u xilsaareen inay diyaariyaan  oo Gorfeeyaan ajandaha dhabta ah ee  lagaga Dooddi Doono Doodda Qaran ee ay dhawaan qaban doonaan ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha kulankaasi xambaarsanaandoono.

ucid-iyo-wadaniGuddida oo ku andacoonaysa inay jiraan Qabyo   dhinacyo badan ah oo u baahan in la wada Gufeeyo, ayaa Hannaan kooban qoddobaysan u soo Bandhigay arrimaha u baahan in loo talo badsado si xukuumaddu ugu toosto qabyooyinkeeda Mucaaridkuna ula taban taabiyo.

 

Guddidan labada xisbi-mucaarid iska dhex saareen oo Hannaan Xawaare ah ku wadda Hawshooda ay ku qaban qaabinayaan Shirweynaha qaran ee ay ku baaqeen ayaa soo saaray Qoddobada Biyo-kama Dhibcaanka ah lagaga doodi Doono shirka qaran, waxana warsaxaafadeed dheer oo ay soo saareen Oo Nuqul ka mid ahi soo Gaadhay Qurbejoog.com uu u dhignaa sidan.:

 Ujeeddooyinka Kulanka doodda Qaranka.

1. Xoojinta iyo kobcinta geeddi-socodka dimuqraaddiyadda, iyada oo lagu gorfyan doono  carqaladaha hortaagan ama ku iman kara,  in ay dhacdo doorasho xor ah oo xalaal ah. Waxana ka mid ah meelaha wax laga eegayo:

(a) in la iftiimiyo dhalliilihii iyo gol-daloolooyinkii ka soo baxay ama ka muuqday doorshooyinkii Golaha Deegaanka ee dalka ka dhacay Nov.2012kii, si aany  dhalliilahaasi ugu soo noqonnoqon  nidaamka doorashooyinka Somaliland mar dambe.

(b) In doorshooyinku Madaxweynaha iyo Baarlamaanku ay dhacaan wakhtigooda ku began badhtamaha 2015ka, mar kalena aan dib-u-dhac ugu iman. isla markaasna in wax kasta oo dib u dhigi kara laga  sii wada tashado.

(c) in doorashada ka hor la dhammeeyo diiwaangelinta cod-bixiyayaasha, ayna noqoto mid maangal ah raandhiis leh, isla markaana la iftiimiyo lagana hortago waxyaalaha keeni kara inay mar kale fashilanto sidii tii hore.

(d) in la dhamaystiro qabayada dhinaca sharciyada doorashooyinka iyo wixii la xidhiidha, sida xeeraka dooashada baaralamanka iwm.

(e) in la qeexo qaabka iyo hannaanka ay qaadan doonto haddii ay mar wada dhacaan doorashooyinka Madaxweynaha iyo baarlamanku. Waxa shirka laga filayaa inay ka soo baxaan talooyin iyo tilmaamo arrimahaas ku saabsan oo noqon kara dhaqan-gal iyo dhaxalgalba.

 

2. Qiimaynta wax-qabadka, hab-dhaqanka, iyo maamulka Xukuumadda Kulmiye iyo xaaladda guud ee dalka. Sidaas oo kale shirku wuxu gorfayn doonaa ama  lafa-gurayaa carqaladaha hortaagan sidii loo gaadhi lahaa dowladnimo ku dhisan mabaadi’da maamul-wanaagga, iyada oo midba gaarkiisa loo qiimayn doono, waaxaha dowlada , sida fulinta , xeer-dejinta, garsoorka, iyo xisbiyada qaranka. Waxa kulanka laga filayaa inay ka soo baxaan talooyin iyo tilmaamo dhaqangal iyo dhaxalgalba noqon kara.

 

Qiimaynta duruufaha caalamiga ah ee ku gedaaman aqoonsiga jamhuuriya Somaliand, iyo dib-u-eegista iyo milicsiga geeddi-socodka wada-hadallada Somaliland iyo Somalia. Waxa laga dhowrayaa dood qarameedkan inay ka soo baxaan talooyin wax-tar u yeelan sidii wada-hadalladaasi midho-dhal u noqon lahaayeen, tubta aqoonsi doonka Somalilandna loo qeexi lahaa loona toosin lahaa.

 

3. In wada-tashi mug iyo qoto leha laga yeesho arrimaha qabyada ka ah  dhismaha dawladnimada Somaliland, ee muddada dheer soo jiitamayey, kuwaas oo ay ka mid noqon karaan, (a) sidii dib-u-habayn loogu samayn lahaa distoorka; (b) qaabkii loo dooran lahaa Golaha Guurtida iyo kaalintiisa; (c) sidii horuumarka iyo taladaba ugu sinnaaan lahayeen dhamaan gobollada iyo deeggaannada dalku ka kooban yahay.  (d)  Sidii talada siyaasiga ah looga qayb-gelin lahaa dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadu, sida haweenka, dhaliyarada iyo dadka laga tirade badan yahay.

 

Sidaa darted, labada xisbi qaran ee UCID iy WADANI waxay saareen guddi midaysan oo qabanqaabisa doodan qaran, kaas oo ka kooban laba iyo toban xubnood.

Guddiga waxa loo xil-saaray, diyaarinta ajandaha doodda, ururinta dhaqaalaha ku baxaya iyo abaabulka iyo qabanqaabada qabsoomidda dood qarameedka, iyagaana  cayimaya goorta iyo madasha uu ka dhici doono. Guddigu waxay aad  u qiimaynayaa una soo dhoweynaysaa cid kasta oo talo, tilmaamo iyo waxtarba ku soo biirisa. Waxay kale oo guddigu si laab-furan uga baaqayaan cid kasta oo dananaysa shirka, inay kala qaybqaatan, gaar ahaan Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo bulshada rayidka ah iyo beesha caalamka ee danaysa horuumarka Somaliland.

 

 

Dr. Maxamed Cismaan Fadal

Guddoomiyaha Guddida Qabanqabaadda Doodda Qaran

Hargeysa, Somaliland; 10/11/2013

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed