Wasiirul Dawlaha Madaxtooyada oo Kormeer ku Tagay Gaba Gabada dhismaha Wadada Hargaysa iyo Berbera Sawiro
Hargaysa 10.Nov 2013 (SDN)- Wefti balaadhan oo uu hogaaminaayo wasiiru-dawlaha Madaxtooyada JSL, Mudane, Maxamed Muuse Abees oo uu ku wehelinaayo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada JSL, Mudane Xasan Cabdi Madar iyo Saraakiisha Hay’adda Wadooyinka oo isugu jira Injineero (Engineers) ayaa maanta waxay hawlo shaqo ugu baxeen wadada isku xidha Berbera iyo Hargeisa oo dib u dhis xoog lihi ka socday mudooyinkii u danbeeyey,.
Socdaalkan oo daba socoday ka midho dhalinta in dalku helo wadooyin Wanaagsan oo isku xidhaa gobolada dalka guud ahaanba,
Hadaba u jeedada socdaalkan ayaa ahayd in weftigu ay goobjoog ka noqdaan gunta iyo gunaanadka wadada isku xidha berbera iyo Hargeysa oo maanta intii ugu danbaysay ay ka bilaabmatay Lafa-ruug kuna dhamaan doonta berbera.
Sidoo kale waxa weftigan oo ahaa wefti culus ay kormeer ka hortag iyo ka war haynta wadooyinka iyo dooxyada ku soo gala-bixiyeen dooxyada waa weyn ee jidadkaasi mara oo maalmihii u danbeeyeyba uu roobku xoog u hayey soona rogay daadad xoogleh oo wadooyinka ku soo ururiyey Ciid aad u badan balse hay’ada wadooyinka, maamulada Degmooyinka iyo gobolada ay hoos tagaan dooxyadani oo is kaashanaya ayaa gurmad laxaad leh ka geysteen sidii loo banayn lahaa wadooyinkaasi ciidu buux dhaafisay.
Waxa kale oo ay u kuur galeen weftigani iyaga oo kaashanayaa Aqoonyahanada ku xeeldheer wadooyinka sidii dooxyadaasi looga hortigi lahaa si aanay wax dhiba u soo gaadhsiin wadooyinka, dhawaana laga hawlgelidoono insha allaa.
Hargaysa SDN.
Qurbejoog.com