|

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo ka Hadlay isku daygii dil ee lala beegsaday Gudoomiye ku xigeenka Kulmiye

Hargaysa 10.Nov 2013 (SDN)- Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancade oo ka hadlay Weerar Shalay lagula kacay Gudoomiye xigeenka Xisbiga Kulmiye

Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay inaanay u dul qaadan doonin cida Falkaasi ka dambaysa. Waxa uu sheegay inay hayaan qaar ka mid ah Dadka falkaasi ka dambeeyay. Wasiirka oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay inay Ciqaab adag Marinayaan Cida Falalka Noocaasi ah isku dayday.

Cali Warancadeee“Runtii waa Arimo ku cusub Dalkeena, wax loo dulqaadan karayana Maaha, Waxaanan samayn doonaa inaanu Ciqaab Marino Cida ka dambaysay, si aanay Arimaha nocaasi u soo noqnoqon oo labadii wada hadlaaba Tahdiida Noocaas ah iskula kicin . Markaa Arintaas waanu ku damba jiraa, Taliyaha Booliska iyo Ciidanka Booliskana Amar baanu siinay in si degdeg ah loo soo qabto Cida ka dambaysay. Si wayn ayaa loo baadhayaa Qaar koodna waanu qabanay, Ragii Masuuliyada Lahaa waanu qabanay, Laba kalena waa lagu daba jiraa. Waxaanu rajaynaynaa in Wax dadku kaga caago Arimaha noocaas ah aanu ku samayn doono.” Ayuu yidhi Wasiir Cali maxamed Warancade

Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland waxa uu ku tilmaamay Falalka lagula kacay Mujaahid Maxamed Kaahin, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile iyo Wargeyska Hubaal mid Dalka ku cusub islamarkaana Fulaynimo ah isaga oo sheegay inay ku dadaalayaan sidii loo dabar Jari lahaa.

Hadalka wasiirka ayaa ka Dambeeyay Weerar Shalay lagu qaaday Gudoomiye Xigeenka Kulmiye oo ku sugan Hotel Hargeysa ku Yaala. Hore ayaa Xildhibaan Qabile weerar loogu qaaday, iyada oo horena Habeen madaw loo weeraray Wargeyska Hubaal oo Hargeysa ka soo Baxa. XUkumada ayaan ilaa Hadda wax Xukun ah ku Ridin dadka Falalkaasi loo qabqabtay.

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed