|

“Waxaan uga mahadcelinayaa shaqaalaha caafimaadka shaqadooda adag iyo daryeelka dhibbanayaasha aan waxba galabsan ee lagu bar-tilmaameedsaday werearkii argagaxisada ee Jimcihii dhacay,”Ra’isal Wasaare Saacid

Muqdisho 10.Nov 2013 (SDN)- Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta ku booqday isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho dadkii ku dhaawacmay weerarkii argagaxisada ahaa ee Jimcihii ka dhacay caasimadda dalka.

Raysul wasaaraha ayaa u xaqiijiyay ummadda Soomaaliyeed in weerarrada noocaan oo kale ah aanay ka weecinaynin dowladda dib u dhiska dalka iyo horumarintiisa.

Shirdoon-isbitaal-Madiina-300x199Shirdoon wuxuu uga mahadceliyay shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka Madiina shaqada adag ee joogtada ah ee ay u hayaan shacabka Soomaalida xilligan adag.

“Waxaan uga mahadcelinayaa shaqaalaha caafimaadka shaqadooda adag iyo daryeelka dhibbanayaasha aan waxba galabsan ee lagu bar-tilmaameedsaday werearkii argagaxisada ee Jimcihii dhacay,” ayuu yiri raysul wasaaraha.

Raysul wasaaraha wuxuu kaloo booqday hoteelka Maka Al-Mukarrama oo ah halka uu ka dhacay weerarka habeenkii Jimcaha, wuxuuna la hadlay milkiilaha iyo shaqaalaha hoteelka si uu ugu muujiyo taageerada xukuumaddiisa.

Waxaa booqashadiisa ku wehliyay wasiirka adeegga bulshada,  Maryan Qaasim, wasiirka warfaafinta, Cabdullaahi Cali Mooge Xirsi iyo mas’uuliyiin kale.

Muqdisho SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed