Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Ee Somaliland Oo Si Adag U difaacay Eedihii Wasiir Warancadde u Jeediyey Bahda Garsoorka
Hargeysa:10-Nov-2013 (SDN)- Guddoomiyaah Maxakamadda Sare ee JSL Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali ayaa shalay ka hadlay eedihii dhawaan uu wasiirka arrimaha guduhu u soo jeediyey bahda garsoorka, kuwaasi oo uu sheegay inay gacan maris ku beddeshaan kiisaska khalkhal gelinaya caddaaladda.
Guddoomiyaha Maxakamadda sare oo ay weheliyaan guddoomiyaasha derejooyinka heer gobol, degmo iyo ta racfaanka ee Hargeysa ayaa shalay kulan ay kusoo bandhigeen waxqabadkooda waxa ay kaga hadleen eedihii loo soo jeediyey dhawaan.
Ugu horeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Degmada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamed Mowliid, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa si kooban uga hadlay dacwadaha Maxkamadda uu masuulka ka yahay soo galay sanadkan, waxaanu yidhi “Maxkamadda degmadda Hargeysa waxa sanadkan 2013-ka soo galay 750 dacwadood oo ciqaab ah, inta socotaa waa 20 dacwadood, oo aanu 7 ka mid ah hayno xaashidii eeda, 13-ka kalena weli xeer ilaalintu soo gudbin, 750-kaa waxa dacwadu ka garnaqday oo u badnaa diin cayga iyo qodobbada maandooriyaha iyo waalid caasiga, 750 dacwadood, Maxkamaddu qaar way xukuntay markay ku caddaatay ama qirteen dambiga inay galeen, dadkaasi waxa jira kuwa aanu dambigu ku caddaan oo Maxkamaddu go’aan ku gaadhay in xoriyaddiisa loo celiyo”
Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Mowliid, waxa kale oo uu sheegay “Markaa anniga oo ah Guddoomiyaha Maxkamadda degmada Hargeysa waxaan caddaynayaa in aanay jirin dad si sharci daro ah loo siidaayey inta dambi lagu helay, laakiin qofka marka dambi lagu waayo in la sii daayo xaqbuu u leeyahay”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Maxkamaddu waxa kale oo ay ka garnaqday 1600 oo dacwadood Madani ah, 281 dacwadood way socdaan oo lagama go’aan gaadhin, dacwadaha fulinta ah oo aan dacwadahaa kale aan ku jirin waa afartan dacwadood oo fulin ah, kana soo noqday Maxkamadda sare ama Maxkamadda rafcaanka, inta socota ee rafcaanka ahina waa 10 dacwadood”
Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex Faysal Cabdilaahi (Faysal Dhago-dhago), oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxa sanadkan Maxkamadda soo galay 137 Dacwadood oo madani ah, waxa dhamaaday ilaa 90, ila afartana garsoorayaasha ayaa haya oo way socdaan”
Guddoomiye Faysal, waxa kale oo uu faahfaahiyey “Maxkamaddani waxay ka garnaqdaan Dacwadaha ciqaabta ah wixii saddex sano ka badan ilaa heer dil, waxa sanadkan Maxkamadda soo galay 1155 dacwadood, waxa maanta ka xidhan oo dacwadahoodu qaarna socdaan, qaarna aan la soo dhamaystirin 90 dacwadood, dacwadaha fulinta ah oo ah kuwa ugu hawsha badan waxa Maxkamadda soo galay 229 dacwadood, waana ta u adag, waana ta aanu booliska u amarno inay u fuliyaan dadka, wixii hanti ah ee la kala haysto, boqol way dhamaadeen, 129-na waala hayaa imika, taasoo u baahan in lala kaashado booliska” ayuu yidhi waxaanu intaasi raaciyey in aanay jirin cid si aan caddaalad ahayn loo siidaayo “Haddaba, waxa dacwadaha ugu hawl badan oo maanta dhibto ka taagan tahay waa carruurta rabshadaha sameeya ee la soo xidhayo, taasoo boolisku aad ugu dedaalaan soona ururiyaan, Maxkamaduna aanay hawl yaraan isaga siidaynin, waxbaa la siidaayey ayaad maqlaysaa, Maxkamaddu waxay u abuuran tahay in wixii wax ku caddaadaana la xukumo, wixii kalena halkaas ayaa laga siidaynayaa, kufsi baa la siidaayey, ciyaalbaa la siidaayay, hebel baa la siidaayay, waala siidaynayaa haddii ciddii wax ku sheeganaysay waxba ku caddayn waydo..ninka leh waxbaa la siidaynayaa, waala siidaynayaa haddaad waxba caddaysan waydo, cidna loo joojin maayo”.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare Prof Yuusuf Ismaaciil Cali, oo garsoorayaasha Maxkamadaha Gobolka, degmada iyo ta rafcaanka kulankan u qabtay ayaa isaguna halkaasi ka sheegay in aanay u dulqaadanayn in masuul dawladeed ama shakhsi caadi ahi uu wax yeelo haybadda Garsoorka.
Guddoomiyaha Maxkamadda oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Dadwaynuhu waxay ka cabaadaan oo aynu had iyo jeer hadal haynteeda maqallaa waxbaa la siidaayay , dadka jeelasha ka buuxa ee ama xukuman ama dacwadoodu socoto ee garsoorayaashu ka war-bixiyeen dadka kama hadlayaan inay tahay shaqo garsoorku qabtay, laakiin marka la maqlo qof la siidaayay oo Maxkamadda waxba lagaga hor caddayn waayay ayaa la siidaayay qayladooda waynu maqallaa, garsoorkiibaa xumaadoo inamo wax kufsaday ayaa lasii daayay, inamo yaryar oo Magaalada rabshay ayaa la siidaayay”
Guddoomiye Yuusuf Ismaaciil Cali, waxa uu sheegay inaan caddaaladu ahayn marka qof la xukumo uun “Hala ogaado shaqada iyo waajibaadkayagu caddaaladeed ee lanoo xil saaray inuu yahay dambiilena in la xukumo, dambilaawena xoriyaddiisa helo, caddaaladdii baa la sugay markaa, maaha in loo qaato in caddaaladdu ku jirto marka qof la xukumo, caddaaladdu sidoo kale waxay ku jirtaa in marka qof dambi lagu waayo xoriyaddiisa si buuxda loogu celiyo” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey in loo baahan yahay ciddii garsoorka ka cabanaysaa inay sifo sharci ah ku cabato, balse aan warbaahinta laga hadal “Haddii ay maamulka guud ee dawladda tahay iyo haddii ay shakhsiyaad tahayba Garsoorka wixii laga tabanayo saxaafadda yaan la marin oo halaga daayo, guddi caddaaladeed baa u samaysan in lala xisaabtamo Garsoore iyo xeer ilaaliyaba, una dulqaadan mayno in haybadda garsoorka saxaafadda lagu fadeexadeeyo, maamul guud iyo sarkaalna ka qaadan mayno oo sharcigu wuu qabtaa, nin aanu sharcigu qaban ma jiro, Wasiirka wuu qabanayaa, xildhibaanka wuu qabanayaa, oo innaga wuu ina qabanayaa”
Guddoomiyaha Maxkamadda sare, waxa kale oo uu sheegay “Dambiyada caddaaladda laga galo waxa ka mid ah in haybadda garsoore iyo xeer ilaaliye waajibkiisa gudanaya la quudhsado iyada oo si sharci ah looga caban karo warbaahinta la tago oo laga waramo, kuma nabadgaleysid-baanu leenahay qofka muwaadin ah iyo sarkaalka guud ahowba, waxaanu diyaar u nahay haddii aad cabanayso inaad guddida caddaaladda cabashadaada u soo gudbiso, laakiin haddii aad dariiqaa kale marto waxaanu u arkaynaa qof u badheedhay inuu haybadda Garsoorka dhaawaco”
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com