|

Hargaysa oo lagu qabtay Xuska Maalinta Saxaafada Somaliland,Madax ka Qayb gashay, Iyo Naqdinta Xeerka Cusub ee Saxaafada

Hargaysa 09.Nov 2013 (SDN)- Xaflad lagu xusayay sanad guurada 15 aad ee kasoo wareegtay (Maalinta Saxaafadda Somaliland ) ayaa maanta lagu qabtay huteelka maansoor ee magaaladda hargaysa.

Xuska munaasibadan oo ay ka qeyb galeen wasiirka wasaarda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta mudane cabdilaahi maxamed daahir [ cukuse ] agaasimaha guud ee wasaaarada boosta iyo isgaadhsiinta mudane faysal cali sheekh ,musharxa madaxweynaha ee xisbiga ucid mudane Jamaal cali xuseen , xubno kale oo ka tirsan xisbiyada mucaaridka ah . xildhibaano , masuuliyiin ka socota hayadaha maxaliga ah iyo madaxada hayadaha warbaahinta eek ala duwan.

Kulankan ayaa musauuliyiinta iyo saxafiyiinta kasoo qayb gashay waxay  kaga hadleen marxaaxilkii  iyo duruufihiii kala duwanaa ee ay soo martay saxaafada Somaliland waxayaabihii usoo qabsoomay iyo sidii kor loogu qaadi lahaa tayada warbaahinta dalka, waxa kale oo xuskaasi si aad ah loogaga hadlay  xeerka saxaafada Somaliland kaasoo siyaasyiinta iyo saxafiyiinta halkaasi ka hadashay  ay siyaabo kala duwan ugu hadleen xeer ay sheegeen in in uu hor yaalo golaha baarlamnka kaasoo ay cabsho ka muujiyeen ku dhaqankiisa warbaahinta qaarkeed.

Musharaxa xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Afhayeenka xisbiga UCID Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, Xildhibaan Cali Koore oo ka socday Madasha wadatashiga iyo toosinta Somaliland iyo siyaasiyiin kale oo dhamaantoodbaa warbaahinta ku hambalyey horumarka ay gaadhay iyo sanad guuradii 15aad ee ka soo wareegtay xuska maalinta saxaafada madaxa banaan ee Somaliland.

Sidoo kale, waxay si adag uga hor yimaadeen xeerka ay xukuumadu dabadda ka riixayso ee ka hor imanaya madaxa banaanidda xoriyatul qawlka Somaliland.

“Kali-talisnimada maaha askar talada la wareegta uun sidii Adeerkay Maxamed Siyaad Bare oo kale, laakiin kalitalinimaddu waa qofka oo loo diido in uu Ra’yigiisa u madaxa banaanaado, inuu hadli kari waayo, madaxweynaha oo diida in tallo la siiyo iyo in la cabudhiyo xoriyatul Qawlka iyo wuxuu aaminsanyahay ayaa looyaqaan kaligii taliye ”ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka mid ah madasha wadatashiga iyo toosina Somaliland.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay ruug cadaayaasha warbaahinta oo ay ka mid ahaayeen Maxamuud Ducaale, Xuseen Cali Nuur, Cabdilaahi Wayab iyo Faysal Cali Sheekh oo ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee saxaafada Somaliland soo martay iyo sababta maalintan loogu doortay inay noqoto maalinta saxaafada Somaliland, wallow ay jirtay maalintii ugu horaysay ee wariyeyaal farobadan hal mar la wada xidhay oo ahayd bishii june 1993 kii, haseyeeshee maalintan loo doortay markii uu dhintay halyeygii saxaafadda Somaliland ee warbaahinta casriga ah dalka ka hirgaliyey.

Wasiir warfaafinta Somaliland Cabdilaahi  Maxamed Daahir Cukuse ayaa sheegay in maalintan oo kale ay ahayd in laga hadlo taariikhdii warbaahinta Somaliland soo martay iyo sidii loo horumarin lahaa warbaahinta, waxaanu warbaahinta usoo jeediyey in aanay waxba ka qorin siyaasiyiinta cadhaysan iyo kuwo xil doonka ah ee hadaladda aan munaasibka ahayn  ku hadla, isla markaana mararka qaarkood qaranimada wax ka sheegaya.

Sidoo kale, wuxuu xusay in loo baahan yahay in xeer raali laga wada yahay la sameeyo, isla markaana la isku yimaado warbaahinta, ururada bulshada, ururada qareenadda Somaliland, ururada xuquuqul iinsaanka iyo culimadda si loo sameeyo xeer saxaafadda lagu hago si aanu qof kasta waxa uu doono u qorin, isla markaana lagu kala badbaado.

Wasiir Cukuse ayaa ku faanay in markii uu wasiirka noqday in 24 saacadood nin suxufi ahi xidhnaan, isla markaana uu markiiba soo daayo hadii wariye la xidho, isagoo sheegay in labaatankii sanadood ee u dambeeyey ka mid ahaa warbaahinta madaxa banaan, isla markaana uu ka mid ah mulkiilayaasha xarumo warbaahineed oo madaxa banaan

“Xukuumadani madaxweyne Siilaanyo waxay xilal sare u magacowday wariyeyaal, isla markaana madaxweynaha kama suurowdo inay cabudhiyaan warbaahinta, laakiin waa loo hiilinayaa si mustaqbalka warbaahinta madaxa banaan usii jiri karto ”ayuu yidhi Cukuse wasiirka warfaafinta oo la garnaqsanayey Siyaasiyiinta mucaaradka oo si adag u dhaliilay xukuumadda.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

 

 

Comments are closed