|

Punt land oo Weeraradii Xalay lagu bartilmaameedsaday ku eedaysay Ururka Alshabaab,Wasiirul dawlaha amniga {DHAGAYSO}

Garowe 09.Nov 2013 (SDN)- Maamulka  Puntland ayaa ka hadlay weerar xalay koox hubeysan ay ku qaadday xabsiga dhexe ee magaalada Boosaaso, halkaasoo dhowr qof lagu dilay.

Wasiir_ku_xigeenka_Ammaanka_Cabdcasiis_GacmeeyWasiir ku xigeenka amniga ee Puntland  Cabdicasiis Maxamuud Siciid oo shir jaara’id maanta ku qabtay  Garoowe ayaa sheegay in weerarka ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab oo dooneysay buu yiri in ay xabsiga ka siideyso dad uga xiran.

Wuxuu sheegay in ay weerarkaas ka qeybqaateen 40 nin oo hubeysan oo Shabaabka ka tirsan, isagoo intaas ku daray in ciidanka asluubta ay fashiliyeen qorshihii ay kooxdu wadatay.

Cabdicasiis Maxamed Siciid ayaa xusay in weerarro kale oo lamid ah kan xabsiga, xalay lalal beegsadat saldhigga Bari ee magaalada Boosaaso ee Biyo Kulul iyo xarunta dowladda hoose ee magaalada,  taasoo uu ku micneeyey in looga gol lahaa in lagu mashquuliyo ciidamada amniga si aysan ugu gurman weerarka  xabsiga.

Saddex qof oo uu ku jiro taliye ku xigeenkii xabsiga dhexe ee Boosaaso Cabdiraxmaan Abshir ayaa  ku dhintay weerarka, waxaana ku dhaawacmay dad uu kamid yahay taliyaha xabsigaas.

Xabsiyada Puntland waxaa ku jira dad badan oo lagu eedeeyey in ay Al-Shabaab la shaqeeyaan iyo qaar loo xukumay dambiyo ay galeen.

Guji halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalka Wasiirul dawlaha amniga Puntland
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/GaroweWerar9.mp3″]
Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed