|

“Waxaa la isku afgartay in la iska kaashado dhinacyada amniga,isu socodka,Ganacsiga” Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada {DHAGAYSO}

Hargaysa 09.Nov 2013 (SDN)- Waftigii ka socday dalka Kenya ee booqashada  ku joogay dalka  ayaa maanta ka dhoofay madaarka caalamiga ah ee Cigaal international air port ee magaalada hargaysa ka  dib markii ay dhamaysteen booqashadii rasmiga ahayd ee ay ku joogeen dalka mudadii  sedexda maalmood ahayd.

Waftigan oo ka koobnaa sagaal xubnood ayaa mudadii ay joogeen dalka waxay kulmo la yeesheen madaxweynaha Somaliland md axmed maxamed maxamuud siilaanyo , labada aqal ee baarlamanka , xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo masuuliyiin kale iyagoo sidoo kalana booqday xarunta gobolka saaxil ee berbera .

Gudoomiye ku Xigeenka 2aad ee Golaha Wakiilada Mudane Cali Yuusuf Axmed oo sii sagootiyay Xubnaha Wefttigan ayaa Warrbaahinta u sharaxay arrimo ay Xukuumada iyo Xildhibaanada Baarlamanka Kenya ku Heshiiyeen.

Guji halkan oo Mobilkaaga ka dhagayso hadalka Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Wakiilada
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/KenyaWefti09.mp3″]
Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed