Mo Farah oo ku saaciday Amina Cali olole ay ugu jirto sidii ay uga mid noqon laheyd Baarlamaanka UK
London Nov 09,2013(SDN)-Haweeney rajo ka leh in ay noqoto ruuxii u horeeyay oo Soomaali ah oo ka mid noqda Baarlamanaka UK ayaa taageero mug leh ka heshay orod yahanka caanka ah ee Mo Farax.
Amina Cali oo aasaastay Labour Friends of Somali ayaa haatan tartan kula jirta Helen Dennis iyo Uma Kumaan si ay u noqoto musharaxa xisbiga Labourka ee xaafada Harrow East.
Amina ayaa sheegtay in Mo Farax uu ku farsan ayahay in Soomaalida UK ay haatan u soo jeesatay in ay ka qeyb galaan siyaasada.
“Aad buu ugu farxay in aan ahay haweeney Soomalaiyeed oo reer Britain ah isla markaana siyaasada ka qeyb qaadaneysa “ayay tiri Amina Cali.
Xisbiga Labour-ka ee Harrow East ayaa bartamaha bishan shaacin doona cida musharaxa u noqondoonta.
Xaafada Harrow East ayaa tirakoob la shaaciyay waxa ay tibaaxeysa in 3.5 mutamica xaafadaas ku nool ay yihiin African Madow intooda badan ay Soomaali yihiin.
“Waxaan doonayaa in Bulshooyinku siyaasada ka qeyb qaatan siyaasada,waxaana doonayaa in ay ogaadaan i ay leeyihiin awood ay isbedel ku sameeyaan”ayay tiri Amina Cali.
Taageerada uu Mo Farax u muujiyay Amina Cali ayaa sababi kareysa in ay ku guuleysato musharaxnimada xisbiga Labourka ee Xaafada Harrow East.
SDN-London
contact@somalidiasporanews.com