|

Munaasibad lagu sii Sagootinayay Arday ka Qalin Jebisay Kuliyada Sharciga ee Jaamacada Hargaysa oo lagu qabtay Mansoor Huteel

Hargaysa 26.October 2013 (SDN)- Wasiirada Wasaaradaha Duulista iyo Hawada, Qorshaynta Qaranka iyo Hawlaha Guud iyo Madax kale ayaa ka qayb galay Munaasibad loogu sameeyay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargaysa 57 Arday oo dhawaan ka Qallin jebiyay Kulliyada Sharciga ee Jaamacada Hargaysa.

Todoba iyo Kontonkan arday oo Lix iyo Labaatan ka Mid ahi haween ahaayeen waxaa kale oo ka qayb galay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha,Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Hormoodka Kuliyada Sharciga ee Jaamacada Hargaysa iyo Madax kale.

Khadar Jirde Siciid oo ku hadlayay afka Gudida Qaban qaabada Xafladaas iyo Rooda Maxamed Maxamud  oo ka mid ahayd Ardaydii dhawaan ka qallin jebiyay Jaamacada Hargaysa ayaa u mahadceliyay Cid kasta oo ka qayb qaadatay qabsoomida xafladan,Waxaanay Tilmaameen inay Mudo afar Sanno ah u soo Dhabar adaygayeen ka midho dhalinta higsigoodii ku wajahnaa barashada Culluunta Sharciga, Labadan Xubnood waxay Xuseen inay baahi weyn u qabaan sidii Cilmigii ay barteen ay dalkooda wax ugu qaban lahaayeen isla markaana ay xooga saari doonaan wax ka qabashada dhaliilaha loo soo jeediyo Garsoorka iyo Cadaalada dalka iyagoo Xukuumada Somaliland ka dalbaday inay u samayso fursado dhinaca Shaqo abuurka ah si looga badbaado ayay yidhaahdeen in Dhallinyaradu ka niyad jabto waxbarashadii ay Mudadaas u soo adkaysanayeen .

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr Sacad Xaaji Cali Shire oo hadal ka jeediyay Madashaas ayaa u mahadceliyay ardaydan baratay Culluunta Sharciga kuwaas oo kaalin mug leh ka qaadan doona sida uu xusay gufaynta Cabashada Garsoorka, Wasiirkani waxa uu sheegay in ardaydani yihiin dhiig cusub oo firfircoon isla markaana  wax weyn ku soo kordhin kara bah’da Cadaalada Somaliland.

Wasiirku waxa uu sheegay in Qofka Sharci yaqaanka ahi uu dadka kale kaga duwan yahay inuu kala garanayo waxyaabaha khatarta ku ah noloshiisa iyo ta Mujtamiciisa waxaanu uga digay inay ka taxadiraan Tahriibka iyo Wixii la mid ah oo dhaawaci kara Mustaqbalka dheer ee ay Higsanayaan isagoo intaas ku daray in Xukuumada uu ka Tirsan yahay ay mar walba soo dhawaynayso da’a yarta aqoonta casriga ah kasbatay ee dalkooda horumarka gaadhsiin kara.

Geesta kale Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryaynta Mudane Cabdi risaaq Khaliif Axmed ayaa hadal talo iyo Toosin isugu jira u soo jeediyay 57-kaas arday ee ka qalin jebiyay Kuliyada Sharciga ee Jaamacada Hargaysa waxaanu Sheegay in dalkeena ay yaalaan fursado badan oo in laga faa’iidaysto u baahan.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Axmed Aadan ayaa isna kulanka ka sheegay in xafiiska Xeer ilaalinta guud ay ka go’an tahay shaqaalaysiinta dhalinyrada baratay xirfada sharciga, isla markaana ay mudnaan gaara siiynayaan gabdhaha.

Prof. Maxamuud Xuseen Faarax oo ah Hormoodka Kuliyada sharciga ayaa isgana ardaydaasi ay wax soo bareen si weyn ugula dardaramay inay ka weeleeyaan aqoontii ay mudada badan soo baranayeen, waxana uu sheegay inay isagaoo ah Gudoomiyaha Gudida anshax marinta iyo Ruqsad siinta Qareenadu uu si ramsiya shaqo u siin doono labadii arday ee ugu samaayey sharciyqaanadaasi

Xafladaas ayaa lagu soo bandhigay daraasad ay soo diyaariyeen Xubnaha ardayda ah ee Qallin jebiyay sidoo kalena Kooxda Hidaha iyo Dhaqanka ee Soksa ayaa halkaasi ku soo bandhigay Suugaan ka Turjumaysa hab dhaqanka bulshadeena iyo waxyaabaha laga doonayo Qareenadan Cusub.

1 2 4 5 6 7 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed