|

Radio Shabeele oo Hawada laga Saaray iyo Ciidamada Dawlada oo ku Gedaaman dhismaha Idaacadaas

Muqdisho 26.Octiber 2013 (SDN)- Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa ku hareereysan dhismaha Idaacada Shabelle ay ka degan tahay agagaarka Garoonka Diyaaradaha magaalada Muqdisho, iyadoo Idaacada goor dhoweyd hawada laga saaray.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan ayaa fulinaya amar ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, kaasoo ku saabsan in Idaacada Shabelle ay ka guurto dhismaha ay degan tahay.

rr.shabeeleDhismahan Shirkadii Somali Airline ee Wasaarada Gaadiidka cirka iyo dhulka ayaa waxaa Maamulka Shabelle uu ku andacoonayaa inuu sanadkii hore heshiis la gaaray Wasaarada Gaadiidka, isla markaana loogu fasaxay inay sii degenaadaan.

Laakiin amar ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha C/kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu wargeliyay in Idaacada ay ka guurto dhismaha dowladeed ee ay degan tahay.

Maamulka Idaacada Shabellaha ayaa ku eedeeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha inuu faraha la galay shaqooyinka Wasaaradaha kale, kadib markii uu muddo shan maalmood uu u qabtay inay uga guurto.

Idaacada oo daqiiqado ka hor hawada soo gashay ayaa Wariyeyaasha ay ka dhex hadlayeen, iyagoo sheegayay in Ciidamo hubeysan ay soo galeen Idaacada, ayna qaateen Qalabka.

“Ciidamo hubeysan ayaa idaacada soo galay, qalabki idaacada ayayna qaateen”ayuu yiri Wariye Idaacada ka hadlayay ka hor inta aan hawada laga saarin.

Idaacada Shabelle oo ah idaacad af dheer ayaa horay u baahineysay warar ka dhan ah dowladda Soomaaliya, taas ayaa loo maleynayaa inay salka ku heyso amarkan looga saarayo inay dhismaha ay degan tahay ka guurto.

Comments are closed