|

Madaxweyne Siilaanyo oo Qaabilay Madaxa Urur Weynaha Qaarada Yurub u qaabilsan Horumarka {DHAGAYSO}

Hargaysa 26.October 2013 (SDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo oo uu weheliyo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan C.laahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta xafiiskood ku qaabilay Wefti uu hogaaminayo Madaxa Urur Weynaha Qaarada Yurub ee Xaga Horumarka Erik Solheim oo booqasho shaqo ku yimid .

Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Somaliland Dr Maxamed C.laahi Cumar oo saxaafada la hadlay markii uu kulanku dhamaaday ayaa sharaxaad ka bixiyay waxyaabihii ay labada dhinac kaga wada hadleen kulankooda.

Dhinaca kale waxaa  halkaasi ka hadlay Madaxa Urur Weynaha Qaarada Yurub ee Xaga Horumarka Erik Solheim oo sheegay inuu ku faraxsan yahay imaatinkooda somaliland isla markaana ay sii wadi doonaan wada shaqaynta u dhaxaysa Somaliland iyo Ururkooda .

Guji halkan si aad Mobilkaaga uga Dhagaysato Hadaladii Wasiirka iyo Madaxa Weftiga
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/KULANKAMAANTA26(1).mp3″]
IMG_0011 IMG_0027 IMG_0036 IMG_0051

Hargaysa SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed