Dawlada Syria oo sheegtay in ay ciidamadoodu dileen madaxii Jabhada Islaamiyiinta mucaaridka ah iyo Jawaabta mucaaridka
Dimishiq Oct 26,2013(SDN)-Warbaahinta dawlada Syria ayaa shaacisay in ay ciidamada dawlada ay dileen madaxii jabhada Islamiga ah ee AlQacaada xiriirka la leh ee Nusra Front Abu Maxamed al-Jolani.
Warbaahinta muqaalka ah ee dawlada oo arinkan shaaciyay ayaa laga sheegay in hogaamiyaha Islamiyiinta Syria lagu dilay gobolka xeebta dhaca ee Latakiya.
Hase yeeshee warbaahinta oo la xiriirtay madax kale oo ka tirsan kooxda Nusra ayaa sheegay in sheegashaadasi aaney waxba ka jirin.
Dadka degaanka ayaa sidoo kale sheegay in Abu Maxamed uu kal hore ka hayaamay degaanka Latakiya.
Sheegashada Dilka Abu Maxamed ayaa timi ka dib kolkii ay ciidamada dalkaasi weraro isbada jooga ahaa ku qaadeen degaanka Al-Akrad.
Waxaana duqeymo halkaasi ciidamadu ay ka geysteen ku dhintay ilaa tobaan ruux.
Kooxda Nusra ee Islaamiyiinta ah ayaa haatan noqotay ta ugu xooga badan mucaaridka ka soo horjeeda dawlada Syria.
Waxaana walaac faro badan awoodooda ka muujiyay dawladaha reer Galbeedka ee doonaya in meesha laga saaro xukuumada Bashar Al Asad.
SDN-Dimishiq
contact@somalidiasporanews.com