Aqalka Cad ee Mareykanka oo bixiyay Telephonada madaxda reer Yuruc si loo dhegeysto iyo reer Yurub iyo Mareykanka oo ay ka tafantay
Washington Oct 26,2013(SDN)-Xog uu mar kale shaaciyay nin hore ugu shaqeynayay hay’ada amniga Mareykanka ee NSA ayaa sheegay in aqalka Cad ee dalkaasi looga arimiyaahi uu bixiyay Telephonada gaarka ah ee madaxda reer Galbeedka oo ka dibna la dhegeystay.
Dawladaha reer Yurub ayaa arinkan aad uga carooday isla markaana sheegay in ay ka aamin baxeen dawlada Mareykanka oo ay aad xulufo u ahaayeen.
Arinkan oo madaxweyne Barack Obama gelisay ciriiri duplomaasiyadeed ayaa haatan waxa ay isu bedeshay kala xarko furasho.
Reer Yurub oo ay hogaaminayaan Faransiiska iyo Garmalka ayaa dalbanaya in dib loo eego shuruucda iyo isfahamyada la xiriira basaasida.
Jarmalkuna waxa ay sheegeen in khubaro dalkooda ka socotaahi ay gaartay Washington si ay baaritaan ugu sameeyaan waxa ka jira in haweeneyda dalkoosa hogaamisa Angela Merkel la dhegeystay Telephone-keeda gaar ka ah.
Edwar Snowden oo hore ugu shaqeynayay hay’adan wax basaastay ee NSA-da ayaa isga baxsaday Mareykanka isla markaana haatan ku nool dalka Ruushka.
SDN-Washington
contact@somalidiasporanews.com