|

Dhismaha Maamul Cusub oo loo sameeynayo Gobolada Dhexe ee Soomaaliya oo Nairobi ka socda,maxeyse Ahlu Suna ka tiri?

Nairobi Oct 26,20139SDN)-Kulan maamul loogu sameynayo gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya ayaa 23kii bishan ka furmay magaalada Nairobi.

Kulan ayaa waxa ka qeybgalaya masuuliyiin ka kala socda maamulada Galgaduud,Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb.

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya iyo xubno ka mida beesha caalmka ayaa ka qeybgalay furitaankii kulanka oo uu furay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Nairobi Maxamed Cali America.

Kulanka Nairobi ka socda ayaa ah kii labaad iyada oo mid kan oo kale ah hore loogu qabtay magaalada Soomaaliya.

Ahlu sunna wal maca ayaa qaadacday kulankan waxaaney sheegeen in ay miraha ka soo baxaa aaney aqoonsan doonin.

“Kulankan waxa abaabulaya Wasiirka arrimaha guddaha Soomaaliya,ka qeyb galeyashana waxaan ugu baaqeynaa in ay isaga soo baxaan shirka,Wasiirku waxa uu doonaya in uu maamulka Soomaaliya kala dhantaalo”sidaa waxa yiri madaxa Ahlu Sunna Sheekh Cali Ashcari.

Dawlada Soomaaliya ayaan weli cadeyn mawqifkeeda ku aadan kulanka maamulka loogu sameynayo gobolada dhexe ee dalka.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed