Shaqaalaha Dawladda Federalka ah Oo Aan Muddo 3-Bilood ah wax Mushahar ah Qaadan
Muqdisho:26-Oct-2013(SDN)-Guud ahaanba shaqaalaha Dawladda Federalka ah ee soomaaliya, ayaa ka cabanaya mushahar la’aan muddo sadde bilood ah, iyadoo Haatan ay madaxa la gelayaan bishii Afraad oo Mushahar la’aan ah.
Shaqaalahan ayaa Guud ahaanba Noloshoodu gashay heer aad u culays badan oo ay noloshu ku adkaato, waxana arrintani keenti kartaa halis cusub oo dhinaca ammaanka ah.
Qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradaha oo la hadlay warbaahinta maxaliga ayaa sheegay inay ka cabanayaan mushahar la’aan muddo saddex bilood ah, ayna qarka u saaran yihiin in guryaha ay ijaarka ku jiraan laga soo saaro.
Shaqaalaha wasaaradaha iyo xafiisyada dowladda ayaa sheegay in tan iyo bishii July ilaa iyo hada aanay wax mushahar ah qaadan, isla markaana ay qoysaskooda waayeen wax ay kula ciidaan maalmaha ciida.
Mid ka mid ah shaqaalaha dowladda ayaa sheegay inay dhib kala kulmeen hadalo ka soo yeedhay madaxda dowladda oo ahaa in shaqaalaha ay mushaharka siiyaan ka hor inta aanay bisha dhamaan, taasna ay ku dirtay milkiilayaasha guryaha.
“Aniga waxaa iigu dhib badneyd anigoo aan wax mushahar ah qaadan saddex bilood in Ra’iisul Wasaaraha oo mar dhoweyd wareysi siiyay VOA inuu dhahay shaqaalaha dowladda waxaa mushaharka siinaa 27-28 bisha, waxaa dhacday in Islaan gurigeeda aan ijaar ugu jiray in ay dhageysatay idaacada, kadibna inta ay ii timid igu qabsatay inaan lacag mushahar soo qaatay, waxaa ku idhi mushahar ma qaadan saddex bilood, markaasey i dhahday war Ra’iisal Wasaarihii baa idaacad ka sheegay ma been buu sheegayaa”ayuu yidhi Qofkan oo diiday in la sheego magaciisa iyo Wasaarada uu u shaqeeyo.
Sidoo kale shaqaale kale ayaa isna cabasho ka muujiyay hadal ka soo yeedhay Madaxweynaha oo ahaa in 12-kii bilood ee u dambeysay ay mushahar siinayeen shaqaalaha, balse xaqiiqda jirta ay tahay in aanay si dhameystiran bil walba u qaadaneyn.
“Mushahar la’aanta na heysta waxaa nooga daran hadalada madaxdeena ka soo yeedhaya ee warbaahinta ay ka sheegayaan in mushahar la bixiyo, taas ayaa nagu diray dukaamadii aan ka adeeganeynay ee aan wax walba ka qaadano iyo guryaha aan ijaarka ugu jirno oo waqtiga aan lacag helno iska bixi jirnay”ayuu yidhi ruux kale oo ka mid ah shaqaalaha wasaaradaha.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ilaa shan milyan oo doolarka Mareykanka oo Dowladda Turkiga ay ku kabi jirtay miisaaniyada dowladda bil walba aan la bixin saddexdii bilood ee u dambeysay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com