|

Xukuumadda Siilaanyo Oo Mar Labaad Khuuro Dheer Gashay Iyo Khatar Ammaan Oo Kasoo Fool Leh Shirka Degmada Taleex

Taleex:26-Oct-2013 (SDN)- Xukuumadda Somaliland ee uu haatan gadhwadeenka u yahay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa markii labaad indhaheeda ku daawanaysa shirka kooxda Fidnada jecel ee khaatumo uga socdo Deegaanka taleex oo u jeeddadiisu tahay in lagu hagardaameeyo Nabadda somaliland.

khaatumo Kooxda faashiliinta ah ee khaatumo la baxday ayaa sannaddii 2011-kii shir sidan oo kale ah oo ka dhacay deegaanka Khaatumo lagu unkay, waxana xilligii shirkaasi socday xukuumadda in badan loo soo jeediyey inay wax ka qabato oo aanay ogollaanin, maadaama halis amni ka iman karto, islamarkaana goobta lagu abaabulayo wax Somaliland ka dhan ah. Muddo maalmo ah ayuu haatan Deegaanka Taleex ka socday shir loogu magac daray Khaatumo-3, oo u jeeddadiisu tahay in lagu xoojiyo kooxda Nabad-diidka ah ee khaatumo, islamarkaana lagu sii kordhiyo fadqalallada lagaga soo horjeedo deggenaanshaha iyo Nabadda Somaliland ka jirta.

Sidoo kale sida ay sheegayaan warar hoose oo shirka ka soo baxaya, waxa Goobta lagu lafo-gurayaa sidoo kooxda Khaatumo ay u abuuri lahayd jawi ku habboon inay ku soo jiidato oo ku hesho aqoonsiga Dawladda Federalka ah oo ay hore ugu guuldarraysatay.

Kooxda Khaatumo iyo hoggaakeeda Nabadda neceb ayaa la sheegayaa inay isku qanciyeen inay tallaabada kaliya ee dawladda Federalka ah ku soo jiidan karaan ay tahay inay Nabadgelyo-darro iy rabshado hor leh abuuraan, islamarkaana ciidanka qaranka Somaliland ee jiidaha hore jooga ka shaqeeyaan mu’aamaraddiisa.

Inta Badan garaadadda iyo madax-dhaqameedka deegaamada ay kooxda Nabad-diidka ah ee khaatumo isku magacowday ku sugan tahay,ayaa haatan qaab caaddifadaysan ugu qulqulaya shirkaas, waxana Xukuumadda Somaliland u muuqataa inay sidii shirkii hore ee dhibaatada badan keenay ay u daawatay kanna u eeganayso, waxana taas warwar badan ka qaba dadka shacabka ah ee nabadda jecel kuna nool Deegaamada Kooxda Nabad-diidka ahi joogto.

Xukuumadda Somaliland, sidoo kale wax hadal ah kama ay odhanin Shirkaas Halista amni lagaga talinayo, Kamana muuqato inay wax ficil ah qaadi doonto, iyadoo iska dhayalsanaysa oo aan ku eegayn caqli gaagdhsiisan heer laga hortago wax aan wali dhicin oo aanay sugistiidu waxba taraynin.

Shirkii hore ee kooxdu ku qabsatay isla deegaankan, ayaa waxa ay natiijadiisii Noqotay inay ku dhintaan Boqolaal Qof oo reer Somaliland ah, kuwaas oo lagu badbaadin karayey Haddii shirkaas la baajin lahaa, balse xukuumaddu si kale u turjumatay, maantana waxa taagan warwar kii hore ka sii daran, maadaama meesha caqli iyo cuudba haatan la isku geeyey.

Sidoo kale waxa uu shirkaas hore Somaliland geliyey dagaal iyada dhexdeeda ah oo siyaasad xumadu keentay, waxana haatan marka la eego hadallada ka soo baxaya kooxda Nabad-diidka ah la qorshaynayaa in Dagaal kale oo riiq badan keena ay deegaanka ka ridaan, islamarkaana ay dedaalkooda iskugu geynayaan sidii ay Somaliland uga bixin lahaayeen sawir muujinaya colaad iyo dhiig faraha lagula jiro.

Dhinaca Puntland iyadu ma aha sida somalilland, waxana ka soo baxaya Hadallo lagu dhaleecaynayo shirkan dhibaatada huwan, halka aanay xukuumadda Somaliland wali wax hadal ah ula bixin shirkaas iyo cidda wadda midna.

Kooxda Nabad-diidka ah ee haatan ku sugan Deegaanka Maygaagle, ayaa abaabulaysa Colaad cusub, waxana ay laba maalmood ka hor Deegaankaas ku dhaawaceen Muwaadin ka soo jeeda Deegaanka Qorulugud oo halkaas ka raadinayey xoolo ka baxsaday, taasina waxa ay muujinaysaa in Deegaanka Taleex shirka ka socdaa yahay mid loogu talo galay in deegaanadaas lagaga rido colaad iyo Dagaal lagu kala dilayo dadka walaalaha ah Oollimaadda ah, taas oo ah arrin aynaan Qaadi Karin.

Si kastaba ha ahatee xukuumadda Somaliland Gaar ahaan wasiirka arrimaha Gudaha ayaa looga baahan yahay inuu caddeeyo mawqifka xukuumadda iyo waliba inuu dammaanad qaadi karo inaan shirkaasi dhibaato keeni doonin dadka shacabka ah ee deegaamadaas Haatan Nabadda u jooga, balse colaadda lala maagan yahay.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed