|

Dawladda Hoose ee Gabiley Oo Lagu Dhaliilay Tallaabooyinka ay Dadka Danyarta ah Ku Burburiso

Gabiley:26-Oct-2013 (SDN)- Abwaan Cabdi Cali Xirsi oo ah macallin wax ka dhiga mid ka mida Dugsiyada sare ee Degmada Gabiley, ayaa ka hadlay dhibka Dawladda Hoose ee Degmada Gabiley ay soo gaadhsiisay Dad Danyar ah oo Hareeraha waddada Deggenaa.

baabkaMacallinka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Dawladda Hoose ee Gabiley ay cagta mariso dad danyar ah oo ay ku jireen Agoomo ay ka tageen Mujaahidiintii SNM ee Naftooda waddanka u huray, waxana uu sidoo kale dhaliilay in aan dadkaa loo samaynin wax qorshe ah iyo meel ay degaan midna. Macalin Cabdi Cali waxa uu sheegay in arintani keeni karto in dadkaas dan yarta ah ee meelihii ay noloshoodu ku tiirsanayd laga kiciyay tahriibaan oo ay maraan wadadaa in badan oo dadkeena ahi ay ku haligmeen.

Cabdi Cali waxa kale oo uu sheegay in madaxweynuhu uu mar walba odhan jiray in shaqo loo abuuri doona dadka danyarta ah iyo dhalinyarada balse aanay jirin wax shaqo ah oo loo abuuray dadka oo kuwii danyarta ahaa ee bacadka dhigtay miisaskii laga jajabiyey, taas oo ah arrin ka baxsan milgaha iyo qaddarinta dadka danyarta ah.

Waxa kale oo uu sheegay macalinku in dakhliga gobolka soo galaa aanu ka muuqan meelihii loogu talo galay, waxana uu soo jeediyay in dadkan danyarta ah loo sameeyo nidaam noloshooda kor loogu qaadayo, maadaama aanay dadkani awood u lahayn inay dhul iibsadaan.

Waxa kale oo isna isla arrintan ka hadlay Xamse C/raxmaan Kheyre oo sheegay in sanadkan 2013 ka ay dawlada hoose ee Gabilay sameeyeen miisaaniyad dhan laba milyan oo dollar oo uu sheegay in ay ku jireen wadooyinka,caafimaadka,wax barashada iyo wax yaabo badan in lagaliyo, balse aan illaa iyo hadda waxba laga haynin.

Xamse waxa uu sheegay in iyadoo qorshayaashaas muhiimka ah oo dhammi miisaaniyadda ku jireen, Haddana Dawladda Hoose ee Gabiley ku dhaqaaqdo tallaabooyin hagardaamo ku ah dadka danyarta ah.

Xamse waxa kale oo uu sheegay in ay dadku la xisaabtami doonaan Dawlada Hoose ee Gabilay oo aanay ka hadhayn halka la mariyo cashuurta dadka laga qaado iyo dakhliga kale ee Gobolka soo gala, maadaama ay arrintaas xaq u leeyihiin. Xamse C/raxmaan Kheyre oo aqoon u leh nidaamka dawladaha hoose waxa kale oo uu sheegay in dawlada hoose ee Gabilay ay samaysay, wax dadkii codkooda siiyay ee maanta xildhibaanada kadhigay ay ka xumaadaan isla markaana ay dadku ka fiirsan doonaan hadda kadib cidda ay dooranayaan.

Xamse Cabdirxmaan waxa Dawladda hoose u soo jeediyay in aan looga fadhiyin maanta lacagta iyo cashuurta dadka daryarta ah laga qaado in iyaga dib loogu bur-buriyo, balse looga baahan yahay in ay wax ugu qabtaan oo ay meelo ay ku ganacsadaan ugu dhisaan.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed