Shaqaaqo Laba Beelood Ku Dhex Martay Aagga Caynabo Oo La Turxaan Saaray
Caynabo:26-Oct-2013 (SDN)- Shaqaaqo laba Beelood ku dhexmartay Deegaanka deegaanka Bali-ciise oo qiyaastii 14KM dhinaca Koonfur Bari kaga beegan Magaalada Caynaba ee xarunta Gobolka Saraar ee Caynaba, ayaa la sheegayaa in Haatan xal laga Gaadhay.
Murankan ayaa ka dhashay Qodaal Berked Biyaha laga cabbo oo mid ka mid ah labada ardaa ee meesha wada degaa isku dayay inay ka qotaan, ka dibna dhinaca kale ka soo horjeesteen, iyagoo ka dibaaqaya go’aan hore loogaga joojiyay qodista deegaankaasi.
Ma jiro wax khasaare ah oo kala gaadhay labada maleeshiyo oo ay mudo israsaaseyntoodu socotay, waxaana halkaasi ku baxay si ay Xiisada u dejiyaan Maamulka Gobolka Saraar, Saraakiisha amaanka iyo xubno ka mid ah Golaha deegaanka ee Caynaba, kuwaasoo ku guulaystay kala kaxaynta labada maleeshiyo ee is-horfadhiyay.
Sida uu sheegay Xildhinaan Maxamed Abyan oo ka mid ah Golaha deegaanka Caynaba ee shaqaaqadan ku baxay, labada Deegaan ee Muranku u dhexeeyo, ayaa cadaadis lagu saaray inay joojiyaan sheegashada iyo qodista dhulkaasi, isla markaana meesha ka saaraan gacan ka hadalka “ shaqaaqadaasi shalay ayay dagaal sababtay, waxaanay u dhaxaysaa laba beelood oo deegaamada Gobolka wada degen, markaa maanta ayaanu ku baxnay, waxaanan ku guulaysanay inaanu kala kaxayno labadii ciidan ee is-horfadhiyay”ayuu yidhi.
Xildhibaan Abyan oo sidoo kale ka mid ah Guddida Nabad-gelyada Gobolka, ayaa intaasi ku daray “labada beelood waxaanu ku qancinay inay xukuumaddu kala dhex gelayso oo ay arrintooda si mug leh u eegi doonto, sidaasi darteed inta laysugu imanayo aanay wax talaabo ah qaadin”.
“muranku wuxuu salka ku hayaa arrin muddo dheer soo socotay oo ah, Berkad laga qoday Meesha oo xiligii xukuumaddii rayaale laga aasay qolo ka mid labada qolo, dabadeed halkii ayay hadana qoladan kale wax ka qoday,ka dibna qoladii hore loogu diiday ayaa ciidan soo uruursaday”ayuu hadalkiisa raaciyay xildhibaan abyan.
Deegaanka Bali-ciise ayaa u dhexeeya Deegaanka Bali-cumar iyo degmada War-idaad, waxaanay dhanka Koonfur Bari kaga beegantahay Magaalada Caynabo ee Xarunta gobolka Saraar.
Dhinaca kale, waxa la sheegay inay Ciidanka Bilaysku hore ugu guul-daraysteen inay ka hortagaan iska hor-imaadka labada deegaan oo sansaantiisu muddo soo socotay.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com