|

Koox aan la Aqoonsan oo dab Qabadsiiyay Dhul beereed ku Yaala Deegaanka Degmada Saylac Gaar ahaan Darbi Xoor

Saylac 25.October 2013 (SDN)- Dablay hubaysan ayaa dab ku sudhay dhul beereed ku yaala degaanka Darbi-xoore oo ka tirsan degamada Saylac maalintii Arbacada ahayd ee aan soo dhaafnay, waxana halkaasi ku burburay dalag kala duwan iyo iyo oodii xayndaabka u ahayd beerahaasi waxana degaankaasi gaadhay taliyaha Qaybta booliska ee gobolka Salal oo uu weheliyo maayarka degmada Saylac Xuseen Iidle Barkhadle.

beeroShabakada ayaa waxa ay la xidhiidhay dadka degaanka waxana ay wax ka waydiisay sida ay wax u dhaceen waxana mid ka mid ah dadka beeralayda ah ee degaankaasi uu yidhi “Waxa na soo weeraray barqo rag hubaysan oo aan u malaynayno inay dhinaca xadka ee Ethiopia ka soo gudbeen, waxa ay xabadu ku fureen dadkii beeraha qodayay oo ay eryadeen, waxa ay salka ku rujiyeen dalag u badan geed gaab oo beerahaasi ka baxayay, waxana ay gudin ku jareen geedihii kale ee geer waynta ahaa ee dhulbeereedkaasi ka baxayay, ugu dambayntiina waxa ay dab sudheen oodii beeraha iyo dalagii kale ee baxayay, mana jirin cid xukuumada ka tirsan oo u soo gurmatay isla markaana wax ka qabatay falkaasi dhinaca amniga ah ee ka dhacay degaanka Darbi-xoore”

Goobtan ayaa waxa ay Saraakiisha Bilayska iyo Maamulka degmada Saylac-ba gaadheen maalin ka dib markii falkaasi dhacay, waxana ay dadka degaanku si ba’an u cambaareeyeen gurmad la’aanta xukuumada oo ay ku tilmaameen mid dhagaha ka furaysatay inay wax ka qabato baaqyada qaylo dhaanta ah ee ay dadka degaanku gaarsiiyeen.

“Way ka bexeen beeraha ragaasi hubaysan, waxana ay dageen meel aan sidaas uga sii fogayn, maalintii hore ma jirin cid u timid oo xukuumada ka socota, maalintii labaadna waxa noo yimid boolis iyo madax kale, mana qaadin talaabo ku haboon oo ragaasi dambiilayaasha ah wax lagaga qabanayo, xukuumada lafteeda ayaana mararka qaar u muuqata mid sii hurinaysa mushkiladaha dhaca, hadii aanu qofka dhibanaha ahi helay sharci iyo cadaalad wax ka qabta qofka xadgudubka wada, waxa ay arintu noqonaysaa inaad isku tashataan oo degaan ahaan aad ugu yaraan hubka u qaadataan si aad amnigiina u sugtaan” ayuu yidhi qofka dadka degaanka ah ee shabakada u waramay.
Dhinaca kale Maayarka Saylac Xuseen Iidle Barkhadle oo ay shabakadu isku daysay inay la xidhiidho oo ay arintan wax ka waydiiso ayay gabi ahaanba u suuro gali wayday.
Degaanka dhul beereedka ah ee Darbi-xoore ayaa waxa uu ka tirsan yahay degmada Saylac waxa uu ku yaalaa inta u dhaxaysa magaalooyinka Cabiqaadir iyo Sheekh Awaare, waxana uu yahay dhul ku haboon wax beerashada isla markaana si aad u badan looga faaiidaysto.
Saylac SDN.
Qurbejoog.com

Comments are closed