Wasiirka Arrimaha Dibada ee Kenya oo Shaacisay in Qaxootiga dalkeeda ku sugani ay Khatar amni ku yihiin dalkooda
Nairobi 25.October 2013 (SDN)- Dowladda Kenya ayaa sheegtay in Qoxootiga Soomaalida ah ee dalkeeda ku sugan ay dhibaato ku yihiin amaanka dalka Kenya, wasiirka arimaha dibadda dalka Kenya Aamina Maxamed ayaa shaacisay in Qoxootiga Soomaalida ah ee ku sugan gudaha dalkaas ay dhibaato xoogan ku yihiin amniga dalkaas .
Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Kenya Aamina Maxamed ayaa farta ku fiiqday in dadka qoxootiga ah ee dalka Soomaaliya ka imaanay ay ku jiraan dhalinyarro ka tirsan ciidamada ururka Alshabaab, waxayna sheegtay dhalinyaradaasi ay dalka Kenya u yimaadaan inay dhibaateeyaan shacabka reer Kenya.
Aamina Maxamed wariirka arimaha dibadda ee dalka Kenya ayaa tilmaamtay in weerarada ka dhaca gudaha dalka Kenya ay gaystaan dad qaab qoxootinimo kusoo galay gudaha Kenya,wasiiradda ayaa ku baaqday in dib loo celsho qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda ku sugan.
Wasiirka arimaha dibadda ee Kenya ayaa sheegtay in xiriirkii ka dhexeeyey dowladaha Soomaaliya iyo Kenya uu aad u wanaagsan yahay waxayna sheegtay in dowladda Kenya ay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya, waxayna sheegtay in dalka Soomaaliya ay yihiin dad daris ah oo xiriir walaaltinimo ka dhexeeyo.
Warka kasoo baxay wasiirka arimaha dibadda ee dalka Kenya oo ay ku eedeeysay qoxootiga Soomaaliyeed ee dalka Kenya ku sugan ayaa waxay dhibaato ku noqon doontaa qaxootiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee dalkaas ku sugan.
Nairobi SDN.
Qurbejoog.com