Wasiirrada Arrimaha Dibadda Iyo Waxbarashada Somaliland Oo Socdaal Ugu Kicitimay Waddanka Aan Deggenayn Ee Masar
Hargeysa:25-Oct-2013(SDN)–Wasiirrada Arrimaha Dibada ee Somaliland Mudane Maxamed Biixi Yoonis iyo Waxbarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa maanta safar shaqo ugu kicitimay dalalka aan xaalkiisu fiicnayn ee Masar, iyagoo sidoo kale mari doono Waddamada Ingiriiska iyo masar.
Weftigan oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Xidhiidhka caalamiga ah Mudane Maxamed Biixi Yoonis ayaa Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxay kulan kula Yeelan doonaan as’uuliyiinta sar sare ee wadankaas,Sheekha Jaamacada Al Azhar, Madaxda Jaamacada Carabta iyo Mas’uuliyiin kale oo uu ka mid yahay Wasiirka hawlaha guud ee dalka Masar.
Wasiirka arrimaha dibadu waxay Madaxdaas kala duwan ka wada xaajoon doonaan sidii labada wadan iskaashi iyo wax-wada qabsi joogto ah u yeelan lahaayeen, gaar ahaan dhinacyada waxbarashada, iyo kaabeyaasha dhaqaalaha isla markaana ay u yeelan lahaayeen cilaaqaad ka balaadhan kii hore uga dhaxeeyay.
Dhinaca Jaamacada Carabta ayaa warku sheegayaa in Weftiga Somaliland iyo Ururka Jaamacada Carabtu ay ka wada hadli doonaan sidii loo furi lahaa bog cusub oo u bilaabma Jaamacada Carabta iyo Somaliland iyo hanaankii ay Somaliland uga mid noqon lahayd Ururka Jaamacada Carabta.
Mudada ay Weftigu joogaan dalka Masar waxaa kale oo ay la Kulmi doonaan hay’ada Masar u qaabilsan Maalgashiga Caalamiga ah, halkaas oo la filayo inay ka soo baxaan natiijooyin wax ku ool ah oo la Xidhiidha Sidii ay Jamhuuriyada Somaliland ay kaalmo dhinaca horumarinta ah uga heli lahayd hay’ada Maalgashiga ee dalka Masar.
Weftigan uu hogaaminayo Wasiirka arrimaha dibadu waxay markaas kadib u Kicitimi doonaan dalka Ingiriiska iyagoo magaalada London kulan kula yeelan doona Wasiirka arrimaha dibada ee Uk William Hague iyagoo isla eegi doona sii xoojinta xidhiidhka dhinacyada badan leh ee u dhexeeya labada dal, Wada hadalada Somaliland iyo Somalia iyo Qodobo kale oo Muhiim ah.
Weftigan ayaa Socdaalkooda ku soo gabo gabayn doona dalka Jamhuuriyada Jabuuti oo ay isna ku kulmi doonaan Madaxda Sare ee dalkas.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com