|

BORAMA: Wasiirro Af Madhan La Hortagay Da’yar Aqoonyahanno ah oo Rajo La’aan waddanka uga soo Socda

Boram:25-Oct-2013(SDN)-Maalintii shalay waxa Magaalada Borama ee Caasimadda Gobolka Awdal Gaadhay koox  Wasiirro ah oo xubno ka ahaa Guddi Ma-dhalays Noqotay Oo Muddo ka hor madaxweyne Siilaanyo u magacaabay la Dagaalanka Tahriibta.

af madhanwaftigan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaarada Dhalinyarada Ciyaaraha iyo Dalxiiska oo uu weheliyo Wasiir Ku Xigeenka Wasaarda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigalinta, ayaa markii ay Boorama gaadheen sheegay inay wadaan kaliya sidii ay dhallinta uga wacyigelin  lahaayeen Aafada tahriibta oo Gobolkaas saamayn weyn ku yeelatay.

Shacabka reer Borama oo iyagu ka muraara dillaacsan da’yartooda aqoonayahanka ah ee Badda isku daldalaysa, ayaa aad uga cadhooday Hadallada waftigan ka soo yeedhaya ee ay ku sheegayaan inay kaliya sidaan wacyigelin aanay jirin wax kale oo ay da’yarta u sidaan.

Cali siciid Raygal oo isagu  Guddidan Hormood u ah, ayaa Gobolka uu tegay  dadweynihiisa u sheegay inay la jecel yihiin inay ka waantoobaan sibirdhaqaaqa da’yarta, islamarkaana ay dhallinyaradu Samir iyo Dulqaad u yeelato duruufaha adag ee haatan jira.

Shacabka Gobolkaas ku dhaqan, ayaa iyagu ka Biyo Diidsan in Waftigani Hadal kaliya masaafo intaas le’eg la soo socdaalaan, waxana ay waftigan ka filayeen inay ugu yaraan qaybo ka mid ah dhallinta aqoonyahanka ah ugu bushaareeyaan shaqooyin ay gacanta ugu hayaan haba yaraadeene.

Waftigan oo markii la magacaabay ka koobnaa xubno aad u tiro badan, ayaan wali qaadin wax tallaabooyin ah oo dhallinta ku abuuri kara yididiilo iyo rajo wanaag, waxana ay ku mashquulsan yihiin shaqooyinkooda gaarka, waxana kooxdan cusub socdaalkoodu u muuqdaa Hal Bacaad lagu lisay, maadaama Da’yartu ay waalidkoodba ka dhegaysan waayeen wacyigelin afka ah iyo hadal qurux badan.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed