|

Sarkaalkii Sheegtay Toogashada Xildhibaan Qabille Oo Ciidanku Xalay Qabteen

 

Dacar-budhuq:25-Oct-2013(SDN)- Ciidammada ammaanka Somaliland ayaa la sheegayaa in xalay Fiidkii gacanta ku dhigeen  Eedaysane Tabaarik Maxamed Ducaale oo Ah Ninkii Rasaasta ku riday Xil. Maxamed Faarax Qabille Saddex Habeen ka hore.

tabaarikEedaysanahan ayaa la sheegay in uu galabnimadii shalay dhuumasho kaga baxay Magaaladda Hargeysa isaga oo ku sii jeedda Magaaladda Berbera, balse waxa lagu qabtay Magaalada Dacar-budhuq, sida ay  noo sheegeen Ilo wareedyo u dhuun daloola Kiiskan dhacay.

Eedaysane Tabaarik oo ah Kabtan Ka tirsan Ciidammada Militariga Somaliland ayaa la qabtay isaga oo ku safraya Baabuur gaar ah. Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay xukuumadda Somaliland oo ku saabsan qabashada Sarkaalkan, hase ahaatee Ilo-wareedadan ayaa  sheegay in loo soo dhaadhiciyay dhanka Magaalada Hargeysa, inkasta oo aan la ogayn meesha lagu xidhay.

Sarkaalkan ayaa falka uu geystay muran siyaasaddeed iyo walaac xisbiyadda Mucaaridka ah la soo dersay, dalka ka buuray dhawrkii maalmihii la soo dhaafay, waxaana lala xidhiidhiyay inay ka dambeeyeen wasiiro ka tirsan xukuumadda oo soo adeegsaday,balse iyaguna eeddaasi iska fogeeyay.

Tabaarig Maxamed Ducaale ayaa maalin ka dib markii uu falka ku kacay, Warbaahinta ka cadeeyay inuu Rasaas ku riday Xildhibaanka, isagoo ku andacooday inuu rasaastaasi isku difaayay, ka dib markii sida uu sheegay qabille ula baxay Baastoolad, ka dib markii uu Kaftan ahi dhex maray. Balse sida laga soo xigtay Xildhibaanka, Tabaarig ayaa ilaa saddex Xabadood ku riday, isla markaana hadal ay ka muuqatay cadiifad siyaasaddeed ku yidhi ka hor intaanu xabadaha ku ridin, sida uu Xildhibaan qabille ku dooday.

Taliyaha Bilayska Somaliland Cabdilaahi Fadal Iiman oo isna dhacdadan ka hadlay, ayaa laba maalmood ka hor warbaahinta dawladda u sheegay inay Bilaysku baadhaayan falkaasi sida uu u dhacay iyo sababta keentay.

 

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed