Dawlada Itoobiya oo muwaadiniinteeda ka mamnuucday in ay Dibedda u Shaqo tagaan
Adis Ababa Oct 25,2013(SDN)-Dawlada dalka Itoobiya ayaa soo saartay sharci ay muwaadiniinta dalkaasi ka mamnuucday in ay dalalka dibedda u shaqo doontaan.
Dawlada dalkaasi ayaa sheegatay in ay shacab badan ay nolooshaada ku waayeen isku deyo ay dalkooda uga tahriibeen.
Dawladu waxa ay intaa raacisay in qaar kale oo badan oo shacabka dalkaasi ahi ay sidoo kale dhibaatooyin maskaxeed iyo mid jirba kala kulmeen safarada shaqo doonka ah.
Sharcigan reer Itoobiya iska hortaagaya in ay tahriibaan ayaa shaqeyn doona inta dawlada dalkaasi ay ka heleyso xal.
Kooxaha u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay sababha ay reer Itoobiya uga yaacayaan dalkooda aaney ku koobneyn uun shaqo la’aan.
Balse waxa ay tibaaxeen in dalkaasi ay ka jirto cadaadis iyo cabudhin lagu hayo shacabka dalkaasi.
SDN-Adis Abaaba
contact@somalidiasporanews.com