|

Buug laga qoray Jihaadiyiinta Mareykanka oo Soomaalina ku jirto

NY Oct 25,2013(SDN)-Ciidamada dalka Kenya ayaa dhawaan shaaca ka qaaday in mid ka mida Ragii weeraray suuqa ganacsiga ee Westgate uu ahaa nin Soomaaliya oo Mareykanka ka tegay oo la yiraahdo Khattab al-Kene.

Kooxda Al Shabaab ayaa soo jiidatay darsino Amerikan ah oo u dagaalama waxaaney sheegatay weerarkii Westgate Mall.

Inkasta oo Kene uu yahay tusaalahii u danbeeyay Mareykan dalkaa uga tagay in uu dagaalamo kooxaha xagjiriinta,hadana ma aha ka qura.

Boqolaal rag oo nololsha qeybeheeda kala duwan ka soo kala jeeda ayaa isga jeestay nolosha lagu riyoodo ee Mareykanka kana door biday in ay u dagaalamaan diinta Islamka.

Inkasta oo inta badan ragani ay Mareykanka dibediisa ka dagaalamaan hadana muwaadiniinta Mareykanka ayaa bilaabay in ay ka oogaan gudaha.

Wariye J.M. Berger ayaa buug uu qoray ugu kuur galay layaabka Jihaadiyiinta Mareykankaoo uu ugu magac daray Jihad Joe:Americans who go to war in the name of Islam.

Qoraagu waxa uu u kuur galay noloshii dagaal yahankii la dilay ee Anwar al-Awlaki,waxaanu ku gunaanday in ragani ka siman yihiin in xagjirnimadoodu ka dhalatay in ay Muslimiinta Dunida u arkaan dhibaneyaal.

SDN-NY
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed