|

Dawlada Norway oo qiratay in ay ku guul dareysatay in ay Xasan Dhuxuloow ku qanciso in aanu ku biiriin Al Shabaab

Oslo Oct 24,2013(SDN)-Sirdoonka dalka Norway ayaa markii u horeysay ka hadlay isku day ay doonayeen in ay ku qanciyeen mid ka mida muwaadiniinteeda in aanu ku biirin Al Shabaab oo ay ku guul dareysteen.

Marie Benedicte Bjoernland oo ah haweeneyda ah madaxa hay’ada Sirdoonka ee dalka Norway PST oo u warantay barta Internetka ee AP oo arrinka ka warbixisay ayaa sheegtay in ay isku dayeen in ay ku qanciyaan Xasan Cabdi Dhuxuloow in aanu ku biirin Al Shabaab.

Haweeneydu waxa ay sheegtay in ay sadex sanadood ka hor la hadleen Xasan Dhuxuloow dhawr jeer oo ay uga digeen in uu ku biiro Al Shabaab.

Xasan Cabdi Dhuxuloow ayaa ka mid ahaa afar nin oo ay dawlada Kenya ku eedeysay in ay ka qeybqaateen weerarkii bishii hore lagu qaaday rugta ganacsiga ee Westgate Mall oo ay ku dhinteen ku dhawaad 70 ruux.

Marie Benedicte madaxa PST ayaa sheegtay in aaney dawlada Norway keligeed waxba ka qaban kareyn dhalinyaradan tegeysa dalalkan colaaduhu ka socdaan.

Waxaana loo baahan yahay bey tiri in qeybaha bulshada ee Culimada,waalidiinta iyo kalkaaliye yaasha ubadku ay dedaalka ka qeyb qaataan.

Dawladaha reer Galbeedka ayaa beryahan danbe ku baaraarugay dhalin yaro faro badan oo dalalkaa ku koray oo dib ugu noqday dalalkii ay ka soo haajireen oo colaado ka socdaan.

SDN-Oslo
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed