|

Arday dhawr iyo toban jir ah oo dil fool xun macalimadiisii ugu geystay Mareykanka

Denvers Oct 24,20139SDN)-Arday dhawr iyo toban jir ah ayaa Booliiska magaalada Denvers ku soo oogeen in uu dil fool xun u geystay mid ka mida macalimiintiisii.

Ardaygan oo 14 jir ah ayaa Booliisku qabteen kiyoo heehaabaya mid ka mida wadooyinka waaweyn magaalada Denvers.

Booliska oo baarayay xagay martay Colleen Ritzer oo 24 jir aheyd ayaa helay dhiigeeda oo ku qubtay mid ka mida xamaamyada dugsiga ay wax ka dhigeysay.

Booliska ayaa meydka macalimada ka helay keyn ka danbeysa Dugsigii ay macalimada ka aheyd.
Wiilkan loo heysto dilka macalimadiisa oo la yiraahdo Phillip Chism oo shalay la horkeenay maxkamad ayaa u muuqda in loo maxkamadeyn doono sida ruux qaan gaar ah.

Ardayga ayaa la sheegay in sanadkan uun dugsigan is qoray,isla markaana ahaa inan edaab badan oo qunyar hadla.

Waxaanu ka mid ahaa ciyaaryahana ugu gool dhaliska badan ee kooxda kubedda cagta ee dugsiga sare.

Dhacdadani waa tii labaad ee todobaadkan ay arday Mareykan ahi ku dileen macalimiintoodii.

Magaalada Sparks ee gobolka Nevada ayaa dugsi dhexe oo ku yaala uu arday baastoolad ku hubeysani uu ku toogtay mid ka mida macalimiintiisa.

Toogashooyinka Dugsiyada ayaa Mareykanka aad ugu soo badanaya xili uu dalkaasi ay ka socdaan doodo la xiriira qoryaha fudud ee shacabku sida sharciga ah u heystaan.

SDN-Denvers
contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed