Suldaan Maxamed Suldaan Barre Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyay Galbeedka Somaliland
Boram:24-Oct-2013(SDN)- Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Barre oo ka mid ah salaadiinta Da’da yar ee reer Somaliland, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey Gobollada Galbeedka Somaliland, gaar ahaan Magaalada Borama.
Soo dhaweynta suldaanka ayaa ahayd mid aanay u kal hadhin Muumulka Gobolka Gabiley iyo hormoodka dhaqankuba, waxana soo dhaweyntiisa laga dareemay Guud ahaanba Degmooyinka kala duwan ee Gobolkaasi ka kooban yahay.
Wefti Ballaadhan oo uu suldaank Hoggaaminayey, ayaa lagaga tagay degaanka Tulli oo dhawr iyo toban km u jira magaalada Boorama, waxana lagu soo dhaweeyay baabuur aad u tiro badan iyo caleemo qoyan, waxana gabi ahaanba ka muuqday soo dhawayntay jacayl balaadhan iyo niyad furnaan dhinaca dhaqanka ah oo dareen farxadeed ku abuuray wafdiga salaadiinta dhaqanka ah ee Boorama yimid.
Weftigan oo hadhimo sharafeed balaadhan loogu sameeyay gudaha Boorama ayaa waxa halkaasi ka hadalay Maayarka Boorama Mudane Saleebaan Xasan Xadi waxana uu degmada Boorama ku soo dhaweeyay wafdigan salaadiinta ah, waxana uu tilmaamay in ay farxad u tahay soo dhawaynta wafdigan salaadiinta ah,Maayar Saleebaan oo si gaar ah ula hadlayay Suldaan Maxamed Suldaan Xasan Suldaan Bare Shire ayaa yidhi “Waxa aan dareensanahay in xilka suldaanimo ee laguu caleemo saaray uu yahay mid balaadhan, waxa uu kaaga baahan yahay samir iyo dhabar adayg, waxana aan Eebe kaaga rajaynayaa inuu kugu asturo, sidoo kale waxa aan bahda kale ee dhaqanka ka codsanayaa inay ku garabsiiyaan suldaanka sidii uu waajibkiisa u gudan lahaa”
Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo hadalka qaatay ayaa waxa uu u tacsiyeeyay sulaanka cusub waxana uu yidhi “Tacsi kadib waxa noo farxad ah inaad Boorama ku qaadato 40 bixinta suldaanimadaada cusub, waxa aan kuu sheegayaa in Aabo AHUN iyo salaadiinta kugu xeeran aanu ahayn xidhmo dhinac u wada jeeda oo isku xidhan, waxana aan kugu soo dhawaynayaa bahda dhaqanka ee Somaliland”
Suldaan Muuse Cilmi Dugsiiye oo hadalka salaadiinta gobolka Awdal soo gabagabeeyay ayaa yidhi “Salaadiintu waa lafdhabarta bulshada Somaliland ee maanta, waxa lagama maarmaan ah in laga boxo is tooyashada salaadiinta dhexdeeda ah oo la sameeyo xidhiidh joogto ah oo ay salaadiintu yeeshaan, si taas loo gaadhana waxa loo baahan yahay in gole dhexe oo salaadiinta dhaqanka kulmiya la sameeyo, kaasi oo aan qabo inuu midnimada salaadiinta u wanaagsan yahay, hadii ay salaadiintu midawdana ay taasi u taagan tahay midnimo Somaliland oo dhan dadkeeda taabanaysa.”
S.D.N