Gudi hoosaad ka Tirsan Baarlamanka Somalia oo Xukuumada iyo Hay’adaha amaanka ka dalbaday in Sharciga la Hor keeno Cidii ka danbaysay dhaawicii Weriye Timcade
Muqdisho 23.October 2013 (SDN)- Guddiga xuquuqul insaanka baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta sheegay in dowladda Soomaaliya iyo laammaha ammaanka laga doonayo in sharciga la horkeeno maleeshiyadii shalay dhaawacaday weriye Maxamed Maxamuud Tima-cade oo ka tirsan shaqaalaha TV-ga Universal xaruntiisa magaalada Muqdisho.
Guddoomiye ku xigeenka guddiga xuquuqul insaanka baarlamaanka Soomaaliya Muuse Sheekh Cumar ayaa sheegay in cambaareyn oo kaliya aan lagu joojin karin dhibaatooyinka iyo dilalka loo geysto suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Wuxuu tilmaamay in laammaha ammaanka looga fadhiyo inay baarlamaanka ay hor keenaan sababaha dhaliyay in ay sii socdaan dhibaatooyinka lagu hayo suxufiyiinta iyo in lagu guuldareysto in gacanta lagu soo dhigo ragga geysta falalkaasi guracan.
Muuse Sheekh ayaa xusay in loo baahanyahay in si wadajir ah la iskaga kaashado sidii looga hortagi lahaa dadka dhibaatooyinka ku haya weriyayaasha Soomaaliyeed.
Weriye Maxamed Maxamuud Tima-Cadde oo ka tirsan shaqaalaha TV-ga Universal xaruntiisa magaalada Muqdisho, ayay shalay rag hubeysan weerar ku qaadeen, kuwaasoo damacsanaa in ay dilaan balse uu ka badbaaday, walow uu soo gaaray dhaawac halis ah.
Muqdisho SDN.
Qurbejoog.com