|

Wefti ka Socda Dawlad Deegaaneedka Somalida Itoobiya oo Booqasho ku soo Maray Shan Gobol oo ka Mid ah Dalkaas

Diri Dhaba 23.October 2013 (SDN)- Waftigan oo ahaa waftigii ugu balaadhanaa Dhanka DFI ee abid meel uwada baxa guud ahaanba dalka itoobiya ayaa waxay socdaal dheer oo dhinaca dhulka ah ku soo mareen 5 gobol oo ka mid ah gobolada deegaanka Soomaalida Itoobiya iyadoo ay ku wehelinayeen DhankXukuumada Madaxweynaha iyo Madax sare, waxayna socaalkaa dheer ee Dhanka lugta ah ka soo bilaabeen magaalada goday ee xarunta gobolka shabeele islamarkaana ku soo gaba-gabeeyay magaalada hadhagale ee gobolka siti oo mafaaso dhan 150 KM u jira magaalada diridhaba.

diri1 Dhanka kale markii ay ka soo noqdeen magaalada hadhagaale ee ay waftigoo isku duubani cagaha soo galiyeen magaalada diridhaba ayaa intii ayna ka duulin Waftigan Balaadhan ee uu kuxigeenka raysal-wasaaraha Ethiopia Hogaaminayay ayaa ay shirbalaaban oo saacada badan qaatay kula yeesheen Madaxda Xukuumada DDSI iyo Qaybihii kale ee wehelinayay waxaana shiraasi hogaaminayay raysilwasaare ku-xigeenka DFI mudane dameqe mukonon xuseen,maxadwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar iyo Af-hayeenka Aqalka fadareshinka JDFI mudane kase tagle burhan.

Wafigan ayaa waxay shirkaasi siwayn ugu falanqeeyeen kana marag kaceen waxyaabihii iyo Isbedeladii Horumar,N/galyo iyo Maamu-suuban ee ay deegaanka ku soo arkeen iyagoona dhamaantood ka marag kacay in ay yaqiinsadeen Waxqabadka Dhabta ah ee ay Xukuumada Maanta ka taabogalisay DDSI mudo kooban,islamarkaana ay dhamaantood siwayn ugu bogan baaxada dhulka deegaanka inta uu le’egyahay,khayraadka Dihin ee uu hodanka ku yahay deegaanku sida wabiyada,dhulka ku haboon wax soo-saarka beeraha dhul daaq-simeedka ku haboon dhaqashada xoolaha,dhulka ku haboon warshadaha,Xabagta,Beeyada,Fooxa iyo Malabka.

waxayna waftigani siwayn ugu bogaadiyeen bulshada deegaanka soomalida sida fiican ee ay ugu soo dhaweeyeen wafigan oo ay qaarkood marka ay hadlayaan aan idhahooda ilmoo ka socotay ayaa waxay lahaayeen waxaanaan marnaba ilawi doono sida qiirada iyo walaalnimada leh ee ay noo soo dhaweeyeen shacabka deegaanka somalida iyo xukuumaduba iyaga oo aanaan markii hore odayba waxa uu yahay deegaanka somalidu waxana hoosta ka xariiqeen wafigani in hada ka dib ay deegaanka u aqoonsanayaan deegaanada ugu dhulka hodansan dalka ugu dadka fiican ugu xukuumada fiican.

diri2Waxaa kale oo ay sheegeen in ay waftigani arkeen shacab xukuumadooda siwayn u jacel kuna qanacsan waxqabadka xaqiiqda ah ee ka jira deegaanka xukuumada shacabkeeda siwayn uga jawaabtay baahiyaheeda ka din karii aan siwayn u waraysanay ayay yidhaahdeen qaybaha kala duwan ee bulshada sida odayaasha dhalinyarad iyo haweenkaba sidoo kale aan aragtay ayay yidhaahdeen isbadalka wayn ee horumarineed,nabadgalyo ee aan wakhtiyadii hore ka jirin Waxaa kale oo ay wafigani siwayn u shaaciyeen heerka diyaaar garowga ay shacabka iyo xukuumada deegaanka ugu jiraan xuska maalinta qoomiyadaha ka dib marki aan aragnay ayay yidhaahdeen mashaariicaha waawayn ee ay xukuumadu ugu diyaar garowday xuska maalinta qoomiyadaha.

Sidoo kale Ganacsatada ugu magaca wayn DFI ee la socotay waftigan ayaa iyaguna dhankooda balanqaaday in ay DDSI kala qaybqaadan doonaan kharashyada ku baxaya Xuska 8aad ee maalinta Midnimada iyo walaalnimada Qowmiyadaha ee Hidar 29,sido kalana maalgashi ka samaysan doonaan Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Isku soo wada soohoo Waftigan ayaa si farxad iyo ray rayni ku jirto kaga duulay garoonka diyaaradaha ee magaalda diridhaba.

Diridhaba SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed