Madaxweynaha Punt land oo Furay Mashruuc ku Wajahan daryeelka deegaanka
Garowe 23.October 2013 (SDN)- Madaxwaynaha Dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh Maxamed Farole ayaa maanta daah furay mashruuc ballaaran oo loogu talo galay deegaanka,kaasoo dhaqaalihiisa ku deeqday Midowga Yurub.
Xaflad lagu qabtay xarunta Jamacadda PSU ayaa waxaa kasoo qayb galay madaxwayne Farole ,wasiiro .hay’adda mashruucan ka shaqayn doona,gudoomiyaasha degmooyinka Puntland,haweenka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada,waxana goobta laga soo jeediyay muhiimada uu barnaamijkaan xanbaarsan yahay iyo sida looga doonayo inay shacabka Puntland uga faa’iidaystaan.
Dhibaatooyinka deegaanka ka muuqda,jariibka baahsan ee dhirta lagu hayo iyo bolaha ka samays-may dhulka deeqa leh ayaa lagu soo bandhigay,waxayna dhamaan dadkii kasoo qayb galay ay ka marqaati kaceen in Puntland ay diyaar u tahay bad baadinta dhirta iyo deegaanka.
Masuuliyiin ka kala socda Hay’adda Aeso iyo Care oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inay xooga saari doonan mudada uu mashruucaani socda sidii dadka loogu wacyi galin lahaa inay dhirta xaq dhowraan oo ay ilaashadaan deegaankooda,waxana uu ka fulayaa dhamaan deegaanadda Puntland,
Wasiir ku xigeenka deegaanka iyo duurjooga Mudane Burhaan Cilmi ayaa sheegay wasaaraddu inay heegan buuxa ugu jirta inay bad baadiso dhirta iyo deegaanka iyo waliba duurjooga,wuxuna Burhaan sheegay mudadii ay wasaaradu jirtay inay wax qabad muuqda ka tilaabsatay ayna ku rajo wayn yihiin in la meel mariyo siyaasada deegaanka oo sal dhig u noqon doonta deenaanka iyo daaqa.
Ugu danbayntii madaxwayne Cabdiraxmaan Farole oo daahfuray mashruucaasi ayaa sheegay inay muhiim tahay in si guud looga hortago xaalufka ku socda deeqa iyo deegaanka,wuxuna si wayn uga digay oo sheegay in loo baahan yahay in laga hortago sidii loo bad baadin lahaa geedka la yiraahdo Gogolka oo Puntland kasii dhamaanaya,Farole ayaa geedkaasi ku tilmaamay inuu yahay mid anfac badan leh.
Shacabka iyo hay’adda ayuu ugu baaqay inay karti muujiyaan sidii deegaanka loo bad baadin lahaa,mashruucaan oo loogu magac daraydeegaanku waa nolashaada ayaa lagu wadaa inuu socda 3-sano iyo bar.
Garowe SDN.
Qurbejoog.com